Sideed Caruurtaada ugu Sheegi Kartaa Novel Coronavirus?

0
6994

Waxa Qoray Hannah Furfaro, wariye Seattle Times

Waxa Tarjumay Mohamud Yussuf

Markii ay ardaydii fariisteen fasalkii ay ku baranayeen arrimaha bulshada toddobaadkaan, waxay weydiiyeen su’aalo madaxa culeys ku noqonaya.

Maxaa is beddel ah oo ka jira cudurka corona virus?

Ma cudur khatar ah baa?

 Iskuullada ma la xiri doonaa?

D’Amico, oo macallin ku meel gaar ah ka ah dugsiga sare ee Ingraham High School ee Seattle, waxa uu qirtay inuusan garaneynin jawaabaha oo dhan. Waxa uu rajeyn lahaa inuu wada garan lahaa.

“Ardada waxaa caado u ah iney u kuur galaan iyo iney su’aalo ka keenaan waxyaabaha socda,” ayuu yiri. “Waxan hadda iri, ‘Waxanu dhegaha u taagi doonnaa, sida xaaladahu u socdaan. Looma baahna in la argagaxo weli, hubi inaad gacmahaaga dhaqeyso iyo inaad dadka kula dhaqmeyso ixtiraam.

“Guud ahaan caruurta gobolka Washington waxey macallimiintooda, waalidiintooda, iyo kuwa dadka daryeela weydiinayeen su’aalo adag oo ku saabsan cudurka loo yaqaan COVID-19, xanuunka ka dhasha karoono fayraskaan cusub ee loo yaqaano SARS-CoV-2, iyo ka dillaaciisa markii ugu horreysay gobolka Washington ee dalka Mareykanka. Waxey caruurtu isku beddelayaan dad waaweyn, waxeyna ku kalsoon yihiin xaqiiqda — iyo iney arkaan in wel-welkooda iyo cabsidooda oo yaraata.

Waxey sidoo kale iyaga iyo saaxiibbadooda raadinayaan jawaabo iyo sharraxaad u gaar ah, ayuu yiri D’Amico. Markuu maqlay ku-tiri-kuteennada iyo fikradaha mala awaalka ee ay ardaydu isla dhex marayaan, sida ra’yiga beenta ee ah in fayriska laga dhex abuuray sheybaar, waxa uu ahaa mid durbadiiba jawaab diidmo ah ka bixiya been abuurkaasi. Waxa uu sidoo kale dhaqsi tallaabo uga qaadi jiray ardayda erayada xun-xun ku yiraahda saaxiibbadood: Marka ay ugu yar tahay dhowr jeer, ayuu yiri, waxa dhegaheyga ku soo dhacay arday saaxiibadooda Shiineeska ah ee fasalka la dhigta ugu yeeraya “corona.”

“Waxan arrintaasi si dhaqsi ah ugala hadlay fasalka” ayuu yiri. “Arrintaasi ma aha mid laga raalli noqon karo.”

Ma waxaad raadineysaa tilmaamo iyo sida wada hadal saraaxad leh loola yeelan karo caruurta iyo dhallinta da’da yar ee arrinta ku saabsan cudurka coronavirus? Halkan waxad ka heli kartaa waxa hey’adaha federaalka federal agencies, iyo Hey’adda Caafimaadka Aduunka World Health Organization iyo khubarrada maxalliga ay ku talinayaan. Heraaraha ka jar si aad u daabacato. Waxaad sidoo kale oo aad ka heli kartaa idaacadda qeybta qosolka ee NPR comic.

Ahow qof si wanaagsan wax u dhageysta.

Caruurtu si ka duwan dadka waaweyn ayey uga falceliyaan wel-welka: Waxa laga yaabaa iney wada hadal dareenkooda ku muujiyaan, laakinse waxa kaloo laga yaabaa iney sawir, ama ciyaar ay ku muujiyaan dareenkooda iyagoo beddelaya dhaqankooda iyo dabeecadahooda. Raac ama la soco jahada cunuggu u jeedo.

Qaar ka mida caruurta waxa laga yaabaa iney weydiiyaan su’aalo aad u faro badan si ay isaga qaboojiyaan cabsida heysa, ayuu yiri Lynn Fainsilber Katz, oo ah macallin aqoon u leh baaritaannada culuunta nafsiga ee caruurta ee Jaamacadda Washington. Qaar waxa laga yaabaa iney dib u gurtaan. Si kastaba, waxey ku xiran tahay in dadka waaweyn si wacan u dhageystaan iyo iney caruurta u yeeshaan dhug dheeraad ah.

Dadka waaweyn waxa ay caruurta weydiin karaan su’aalo ku saabsan waxay ay ka maqlaan telefishinnada ama iskuulka. Waxa sidoo kale ay u xaqiijin karaan iney sax tahay iney wel-welaan ama niyad jabaan, kana hagaan Adeegyada si Xun u Isticmaaliadda Mukhaadaraadka iyo sida ay qabto ama ku talineyso Hey’adda Caafimaadka Maskaxda.

Laakinse waa in dadka waaweyn aaney oggolaan in waqtiga fasalka ama miiska cashada dhammaantiis ay ku baxdo ka hadalka aarintani. Hadii caruurtu rabaan iney daawadaan wararka ama akhriyaan akhbaarta ku saabsan dillaaca cudurka, la soco sida ay u qaadanayaan ama u fahmayaan waxyaabaha ay maqlayaan.

Culeys ha ku saa’idinin

Caruurta waxa laga yaabaa ineysan rabin iney hadda hadlaan, ama marna aaney soo hadal qaadin. Ixtiraam xuduuddooda. Mid ka mida habka loogu furi karo iney hadlaan waa in loo akhriyo buugaagta caruurta ee ku saabsan xanuunnada, ayuu yiri, Katz.

 Haddii caruurtu iloobaan iney gacanta ama xusulkooda ku daboolaan hindhisada, ha argagixin, ayey tiri Heather Havey, oo ah Agaasimaha Qeybta Caruurta ee Jaamacadda Gobolka Washington State University ee ku taalla Pullman. “Weligeen caruur culeys ma saarin bilo yar ka hor,” ayey tiri. Waxaad siisaa xusuusin dabacsan, horena uga soco.

Ku dhaganow xaqiiqda

Caruurtu aad bay ugu fiican yihiin iney akhrin karaan dareenka dadka waaweyn, sidaa darteed iska hubi inaad naftaada dejiso ka hor inta aadan kala sheekeysan cudurka novel coronavirus, ayey tiri Katz.

“Haddii dadka ama waalidiinta ay yaqaaniin sida macallinka ay ogaadaan iney baqdin ku jirto ama ka arkaan argagax, sidoo kale iyaguna baqdin iyo argagax ayey qaadayaan,” ayey tiri.

Dadka qaan gaarka ah waxey ku sharrixi karaan sida xaalku yahay luqad sahlan oo ku habboon da’da ama garaadka cunugga ay la hadlayaan, ayey tiri. Caruurta aadka u yar waxa ay ku dhihi karaan “dadku way xanuunsanayaan” ama “waxa socda ama jira nooc hargab cusub.”

Cauurta waaweyn ama kuwa qaan gaarka ku dhow oo wararka iskood u hela, u sheeg waxa runtu tahay. Haddii aad dhib ku qabto kala soocidda xaqiiqda iyo mala-awaalka, baadi goob u tag ilaha ay ka mid yihiin Xarumaha Hey’adda Yareynta iyo Ka Hortagga Cudurrada Centers for Disease Control and Prevention, ama Hey’adda Caafimaadka Adduunka World Health Organization. Waxaad kalood wararka ka heli kartaa  Seattletimes.com.

Su’aalaha aad jawaabahooda aqoonin, ha ka been sheegin. Wararka aan la hubin waxey keeni karaan welwel xooggan, ayey tiri Katz.

Dhammaan dadka kala da’da ah oo dhan, wararka ugu gudbi si “deggan, qeexan, oo xaqiiqda ku dhisan,” ayey intaa raacisay.

U ballanqaad caruurta

Waalidiinta waxey xasuusin karaan caruurta iney sameynayaan wax kasta oo suurto gal ah si ay u ilaaliyaal caafimaadka qoyska; isla sidaa oo kale, macallimiintu waxey u sharrixi karaan ardayda si kasta oo ay naftooda cudurka uga difaaci karaan. Tusaale ahaan, dadka waaweyn waxa ay caruurta xusuusin karaan iney dhaqaan gacmahooda marar badan iyo iney afkooda ku daboolaan xusulkooda marka ay hindhisayaan ama qufacayaan.

“Intii ay dareemi lahaayeen u jilicsanaan cudurkan waxey siineysaa dareen isku kalsoonaan,” ayuu yiri Katz.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka (World Health Organization) waxey ku talinaysaa in dadka waaweyn bixiyaan wararka ku wajahan qatarta iyagoo isla markaana rajo abuuraya. Turaasle ahaa, dadka waaweyn waxa ay caruurta ku dhihi karaan idinku gaar ahaan uguma jilicsanidiin fayriskan, haddii difaaca jirkiinu uusan taag darneyn. Dadka waaweyn sidoo kale waa iney daacad ka ahaadaan suurto-gelnimada haddii iyaga ama kuwo ay yaqaanaan dareemayaan xanuun. Waxay laga yaabaa iney u baahdaan iney dhakhtar u tagaan ama cisbital aadaan.

Howlahaaga caadi u wado

Si kasta oo xaaladdu u baahsan tahay, Hey’adda Caafimaadka Adduunka, waxey ku talineysaa inaad ku dhegganaato jadwalkaaga caadiga ah ee iskuulka iyo guriga. Haddii iskuulka la xiro, waalidiintu waxa ay abuuri karaan howlo cusub oo shaqada guriga ah. Sida waqti caruurta ay ku ciyaaraan, ku nastaan, ayna maskaxdooda kaga saaraan waxa wel-welka ku haya.

Waxa sidoo kale la gudboon dadka waaweyn iney noqdaan hoggaamiyeyaal lagu deydo, ayey tiri Havey. “Si joogto ah ugu taagnow howlahagaaga caadiga ah, raac tusaalooyinka ugu wanaagsan ee lagu dhaqmo,” ayey tiri. “Waxan u maleynayaa in taasi ay caruurta ka caawini doonto iney si fiican u fahmaan ineynu u baahan nahay inaan si xaqiiq ah u dhaqanno iyo inaannu masuul ka nahay jirkeena iyo nafteena.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here