Shirweynihii Labaad ee Xusuusta Muqdisho oo Lagu Qabtay Ottawa

    0
    1556

    Kooxdii Shirkii Storytelling Somalia ka qeyb galay kaasi oo lagu qabtay Cardiff, Wales sannadkii 2014kii

    By Mohamud Yussuf

    Maallintii Sabtida waxa Xarunta Farshaxanka Ottawa Art Gallery ka dhacay shirweynihii labaad ee Xusuusta Muqdishu (Memories of Mogadishu Conference) kaasi oo ay ka soo qeyb galeen dad badan oo ka kala yimid meelo kala duwan oo Caalamka ah. Shirweynahan oo socday maalintii Sabtida oo dhan waxaa ka hadlay khubaro ku xeel dheer ka sheekeynta xusuusta nolosha iyo dad u soo joogay waayo waayihii dababiga ahaa ee Muqdishu.

    Qaar ka mida ajnabigii shirka ka hadlay

    Qaar ka mida dhallintii foluntiirka ka aheyd shirweynaha

    Caasha Siyaad oo soo qaban qaabisay ayaa ka soo min guurisay fikraddan sheeko ay la yeelatay 4 sano ka hor gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Shirin Ramzanli Fazel oo ay kula kulantay isu tag lagu magacaabo Storytelling Somalia oo lagu qabtay gobolka Wales ee dalka Ingiriiska. Shirin Ramzanali waxey  si gaar ah ula wadaagtay sheekada nolosheeda Caasha ugana sheekeysay buuggeeda lagu magacaabo “Far from Mogadishu”.  “Markii aan ka tagay Wales,waxan dalbaday buuggeeda waxana igu dhacay amakaag markaan akhriyey sheekooyinkeeda Soomaaliya” ayey tiri Caasha Siyaad. “Xusuusteeda waddan aan aqoon u lehayn anigoo ah Soomaali dibadda ku nool waxey ii laheyd xusuus gaar ah” ayey hadalkeeda sii raacisay Caasha.

    Akhrinta buuggaasi ka dib, waxa Caasha ku dhalatay iney xog ka ururiso sheekada Shirin iyo sidoo kale xusuusta Soomaalida kale ee ku nool dibadda oo ay ka hayaan Muqdisho. Intaa ka dib waxay Caasha u safar tagtay Birmingham si ay dib ula xiriirto Shirin, ka dibna ay u dhooftay Rooma si ay ula kulanto Dr Cabdallah Mansur oo ka mida dadka horseedka u ah keydinta iyo Luqadda ee Xarunta Diraasaadka Soomaaliya ee Jaamacadda Rome Tre University. Waxey sidoo kale la kulantay Fowsia Abdulkadir, oo ah cilmi baare iyo qof xuquuda aadamiga u dooda oo ku nool Ottawa.  Ujeedkeygu sannadihii la soo dhaafay wuxuu ahaa inaan qiimeyn ku sameeyo sida xusuustu loogu isticmaalo dib u dhiska magaalo oo waa’ camirnaan jirtay iyadoo la adeegsanayo dadkii siyaasad ahaan uga baro kacay 27kii sano ee la soo dhaafay.

    Memories of Mogadishu waa warbaahin isku dhaf oo ku habeysan taariikh mashruuc hadal ku saleysan taasi oo kulmisa cajallado keyd oo la raaciyey wareysiyo shakhsi ah oo lala yeesho xubno ka tirsan Soomaalida ku nool dibadda.  

     

    Ujeedkeenu waa inaan dhisno masrax guud oo dadka Soomaalida ku nool dibadda sheekooyinkooda Muqdisho ku saabsan ku wadaagaan. Sida ku qoran “Far from Mogadishu” Mogadishu waa magaalo sheekooyinkeedu ay ku dhex nool yihiin dadkeedii ku noolaa ama degganaa, manzana la baro kiciyey kuna nool dacallada kala duwan ee adduunka. Taasina mahaddeeda waxa iska leh dadkaasi oo xusuustoodii dib leysugu soo ururin karay.

    Magacyada doorka weyn ka qaatay shirka waxa ka mida:

     Asha Siad, Memories of Mogadishu

     Abira Hussein, Independent Researcher and Curator, United Kingdom

    Ahmed Gure, Editor of Hiiraan Online

     Shirin Ramzanali Fazel, Italian writer and author of Far from Mogadishu and Clouds over the Equator, and Wings 

    Abdi Latif Dahir, Quartz Africa

    Hawa Mire, Diasporic Somali Storyteller and Writer, and Strategist

    Dr. Stéphane Martelly, Concordia University, Montreal

    Lisa Ndejuru, PhD Concordia University, Montreal

    Nadia Caidi, University of Toronto

    Jean-Nicolas Beuze, UNHCR Representative in Canada

    Ifrah Hassan, Community Activist

    Eliana Trinaistic, MCIS Language Solutions, Toronto

    Jonathan Durand, Director of Memory Is Our Homeland