Seattle Proposition 1: A Good Investment for Our Community

0
970

Arrimaha Gaadiidka ee Seattle waa ku kuwo xasaasi ah oo aad muhimadoodu u sarreyso. Hadba inta magaalada sii korto, waxa ay dadku yaqiinsanayaan in kaabayaasheedu yihiin kuwo aan si nabad ah oo sahlan aan shacabka iyo  badeecaduhu  isaga  kala  gooshi Karin iyadoo taasi sababteedu tahay maalgelinnada looga  baahan yahay dhinacaasi oo aan ku  filneyn. Magaalo u shidan sida Seattle oo kale, waxa muhiim u ah in dadka kari karaan  iney si sahlan meelaha  ay doonaan ku tagi karaan iyagoo gaadiidkii ay doonaan adeegsanaya. Arrintani waa mid dhab ah oo jirta iyadoo qiimaha guryahu ay yihiin  kuwo aad  sare ugu  sii kacaya kuwaasi oo sababay in  dadku usii sidqaan ama u guuraan daafaha Wuqooyi iyo Koonfureed ee magaalada iyadoo weliba dadka qaar ay gebi ahaanba isaga guureen magaalada taasi oo sabab u noqotay in waqti  badan kaga lumo safarka ay danaha ay magaalada ka leeyihiin ku soo fushanayaan.

Warka wanaagsan waxa uu yahay in codbixiyeyaasha heli doonaan fursad arrimaha gaadiidka Seattle wax looga qabto ama lagu hagaajiyo marka ay xilligan Xagaaga ahi ama foolka loo  yaqaano ay dhacayso waqigii canshuurta gaadiidka isla markaana fursad kale loo heli doono in la oggolaado Seattle Proposition 1. Seattle Proposition 1 waxa uu beddeli  doonaa canshuurta gaadiidka ee hadda jirta iyo in la maalgeliyo noocyo kala duwan oo gaadiid ah, waddooyin nabad ah, gaar ahaan  agagaarka iskuullada, iyo mashaariic lagu fududeynayo ciriiriga jidadka  ka taagan. Sababahan dartood, waxan rajeynayaa inaad “Haa” ugu codeyn doontaan Seattle Proposition 1 Bisha November.

Seattle Proposition 1 wuxuu maalgelin doonaa tiro mashaariic muhiim ah oo ku  baahsan dhamaan magaalada,  gaar ahaan  meelaha  Seattle ka  deggan yihiin dadka qaxootiga ah ama  soo galeetiga ah iyo dadka midab ahaan laga tiro badan yahay. Maadaama  mashaariicdan ay qeyb ka yihiin canshuurta, Maamulka Magaalada  waxa uu qorsheynayaa in howlaha horumarinta si caddaalad ah loo fuliyo si loo hubiyo in dhammaan mashaariicda noqdaan kuwo  ay ka faa’iideystaan bulshooyinka  baahida ugu weyn u qaba.  

Arrimaha ugu waaweyn ee mashruuca “Aan Dhaqaanjinno Seattle” Let’s Move Seattle waxa ka mida :

  • $10 milyan maalgelin lagu bixiyo busteejo cusub ee tareenka  fudud (light rail station at Graham Street). Busteejada  Waddada Graham waxay ay muhiim u aheyd bulshooyin badan, hey’ado iyo ganacsatooyinka ku nool Dooxada Rainier kuwaasi oo ka  faa’iideysan doona kororka helidda gaadiid kala duwan, gaar ahaan dadka da’da ah iyo dhallinyarada oo imika u lugeeya Boosteejooyinka Othello ama Columbia City, kuwaasi oo u dhaxeyso masaafo ka badan 2 mile.
  • Waddooyin Nabad ah oo taga dhammaan iskuullada dadweynaha ama dowladda. Dugsiyo badan oo ku baahsan magaalada, ardadadoodu waxa ay imika la’ yihiin jidad nabad ah  oo iskuulaadka  lagu tago ama looga  soo laabto. Ha noqoto waddooyinka socodka oo liita, isgoysyo khatar ah, ama sababooyin kale. Tani ma aha mid la aqbali karo. Seattle Proposition 1 wuxuu ku maalgelin doonaa lacago  gaaraya malaayiin doolar muddada sagaalka sano  ee soo  socota si loo hubiyo ammaanka iyo bad qabka cunug kasta iyo arday kasta si aaney maskaxdooda ugu mashquulin jidkee ugu wanaagsan oo bad qaba ood Iskuulka ku tagtaa  ama kaga timaadaa. Mudnaanta waxa  si gaara  loo siin doonaa iskuullada ay ugu badan yihiin ardada ku tiirsan qadada fareega (free lunch) ama  lacagta yar lagu iibsado.
  • In la soo kordhiyo 150 bloog oo waddooyinka lugta ah oo cusub. Dad badan oo magaaladeena deggan, gaar ahaan kuwa  deggan Koonfurta iyo Wuqooyiga Seattle, waxa ay ku nool xaafado aan waddo dhinac  laheyn. Ama ha noqoto khatarta ku  lugeynta waddo dhinac la’aan ilaa bullaacadaha biyaha qaada, hagardaamooyinka waddoooyin aan laheyn  dhinac looga  socdo way fara  badan yihiin.
  • Hirgelinta 7 meelood  oo  cusub oo  laga  raaco RapidRide+ transit, iyo hagaajin seddex meelood  oo  loo maro goobaha tareenka fudud, iyo dayactir lagu sameeyo  waddooyin  dherekoodu  gaaraya 180 mile. Si kasta  oo aad ugu socoto magaalada Seattle gudaheeda iyo xaafaddaadaba, faa’iido baa kugu jirta Seattle Proposition 1.

Arrimhani aannu soo xusnay waa in yar  oo faro ku tiris ah marka looga eego maaleglinnada kale ee  lugu fulin canshuurtan gaadiidka. Bal ka eeg  bartan mashaariicda kale ee u faa’iideyn doonta xaafadda aad ku nooshahaya www.letsmoveseattle.com/projects/overview.

Marka ay magaaladu tahay mid deg-deg u koreysa, rugaha ganacsiga waxa ay  bixin  doonaan labo meelood seddex meel. Maadaama Seattle Proposition 1 uu beddelayo canshuurta gaadiidka ee hadda jirta, qiimaha maalgelinta kaga soo aadeysa guri kasta oo Seattle ah waa 12 doolar oo kaliya. Si kasta ood magaalada ugu kala gooshto, ama ha noqot gaarigaaga aad kaxeysato, bas, tareenka fudud, baaskiil, ama lugeyn, Seattle Proposition 1 waa maalgelin muhiim u ah mustaqbalka iyo horumarka magaaladeena.

Qoraaga: Ubax Gardheere waa Agaasimaha Barnaamijyada (Program Director) ee Puget Sound Sage, halkaasi  oo ay he’adda ugu qaabilsan  tahay arrimaha gaadiidka iyo guryaha jaban. Puget Sound Sage waa isbaheysi goboleed qaabilsan shaqada, bulshada, iyo hey’adaha diinta, una go’doomay dhisidda dhaqdhaqaaq xooggan oo u adeega dhaqaale caddaalad ah.