Ilaa Intee Qaadan Kartaa in La Kacaameeyo u Sinnaanta Waxbarashada?

0
417

Waxbaristii oo Durba Isbeddel Dhaqsi ah ku Dhacay COVID-19 Dartiis. Ilaa Intee Bay Qaadan Kartaa in La Kacaameeyo u Sinnaanta Waxbarashada? Maqaalkan waxa asalkiisa iska leh Education Lab ee Seattle Times, waana kii shanaad oo ay codsadaan in af Soomaali loo rogo laguna soo saaro Runta News. Waxa Qoray: Hannah Furfaro iyo Katherine Long, waxana tarjumay: Mohamud Yussuf.

Education Lab waa mashruuc Seattle Times oo diiradda saara ballanqaadyo wanaagsan oo wax looga qaban karo caqabadaha ka jira waxbarashada dadweynaha. Waxa soo saaristiisa wadajir loola kaashadaa Solutions Journalism Network waxana maalgeliya deeq ka timaada Hey’adda Bill & Melinda Gates Foundation, Amazon iyo City University of Seattle. Wax ka badan ka baro Ed Lab.

DARIISHAD FURSAD AH

Qoraalkani waa midkii ugu horreeyey taxane ku saabsan sidii dib-u-eegis loogu sameyn lahaa nidaamka waxbarashada si loo hagaajiyo caddaaladda xilli lagu baraarugay cudur baahsan.

Markii coronavirus ku qasbay iskuullada gobolka Washington in la xiro bishii Maaris, isbedelladii ku yimid waxbarashada waxey aheeyeen deg-deg iyo kuwo dhammeystiran. Fasallada waxey noqdeen online. Waalidiintu waxey isu beddel macallimiin is xilqaantay. Diyaarintii casharrada waxa lagu beddelay in diiradda lagu saaro bed-qabka ardada iyo caafimaadkooda.

Isbeddelkaasi wuxuu dad badan ku abuuray iney isweydiiyaan: Maxaannu isbeddel u sameyn weynay habeen gudihiis — ama xittaa 10 sanadood — si waxbarashadu run ahaantii u noqoto mid dhammaan caruurtu u siman yihiin?

Hoggaamiyeyaasha waxbarashada ee Puget Sound, gaar ahaan dadka midabka ah oo muddo lagu yiqiin in iskuulladu ay dadka madow iyo kuwa mariinka ah u diyaariyaan guul-darreysi, waxey leeyihiin waa waqti laga soo gudbay in dib loo eego sidii waxbarashada si wanaagsan ugu adeegi laheyd bulshooyinkooda.  

Laakinse waxey arkaan wacyi bilow ah oo dhinaca hoggaamiyeyaasha dadka caddaanka ah ka dhex jira oo lagu garowsanayo in nidaamka waxbarashada dalka uu yahay mid ay si baahsan uga jirto cunsuriyad iyo sinnaan la’aan. Sinnaan la’aan waa mid ku saleysan — tababarrada iyo kala duwanaashaha macallimiinta, waa sida caruurta wax lagu baro iyo sida loo edbiyo — waxeyna dhammaan salka ku hayaan tabo si ka duwan u waxyeelaya ardada Madow iyo Laatiinka marka loo eego assaagooda kale kuna guul darreysta iney ka caawiyaan sidey u guuleysan lahaayeen.

Firaaqeynta cudurka saf-marka ah ee sababta u noqday isbeddelka qaabkii asaasiga iskuullada — run ahaantii, qofina uma cadda haddii ama sida iskuullada dib ugu furmi doonaan muddo toddobaadyo gudahooda ah — iyadoo isla mar ahaantaa sare u kacayo dareenka dhaqdhaqaaqa bulshada uu furay fursad suurto gal ka dhigeysa isbeddel dhab ah.

“Waxan heysanaa fursaddan dhifka ah. Wax kasta way hakadeen, ma awoodnaa in run ahaantii dib diiradda ugu saarno ardada midabka ah?” ayey tiri Erin Okuno, oo ah agaasimaha guud ee hey’adda Southeast Seattle Education Coalition. “Waxey dhab ahaantii u muuqan kartaa, mid si run ah uga duwan waxeyna ahaan doontaa mid si dhab ah aan laga heli doonin. Laakinse haddana wax kasta raalli lagama aha”

Laakinse isbeddel ma dhaco ilaa dad badani oo kuwa midabka ah awood la siiyo si ay u qaabeeyaan waxbarashada. Iyo iyadoo lagu saleynayo jawaabaha ilaa hadda ka jira gobolka Washington, qaar waxey ka baqanayaan in marka iskuulaadku dib u furmaan, in isbeddel diiradda lagu saari doono oo kaliya waxyaabo cusub oo ku lug leh caafimaadka iyo badbaadada loo baahan yahay, laakinse aan lagu eegin dib u habeyno xasaasi ah oo ku jaheysan waxbarasho loo siman yahay.

Sidee buu isbeddel u ekaan karaa? Halkan waxa waxa ay jecel yihiin iney arkaan ku dhowaad dersin dad waayo arag ku ah waxbarashada:

  • Manhaj kulminaya oo baraya waxa ku saabsan qeybihii iyo taariikhdii dhammaan dadka oo dhan, gaar ahaan dadka midabka leh, oo ka caawini kara ardada oo dhan iney maal gashadaan waxbarashadooda.
  • In si macno leh loogu dhaqaaqo, tababar macallimiinta oo ku jeeda ka hortagga midab-kala sooca, oo laga bilaabo jaamacadaha ilaa shaqada macallinka, taasi oo soo af jari karta isu dheelli-ti la’aanta edbinta iyo aamisnanaanta ku saabsan in ka guul gaaridda waxbarashadu ku saleysan tahay sida ardayga midabkiisu yahay. Waxa la aqoonsan yahay in waxbarashadu ay muddo dheer ku kalsooneyd sharootada Band-Aid taasi oon wax qabsan balse ku guuldarreysata iney soo saarto isbeddel la taaban karo.
  • In lagu soo kordhiyo nidaamka hadda jira iyo guddiga waxbarashada dadka sida xun loogu adeegay, kana ciyaaraan door talo bixin iyo sharci dejin ah.

Muddadii ugu badneyd ee 10kii ee sano la soo dhaafay, gobolladu waxey ku lug lahaayeen doodo adag oo ku saabsan waxtarka maalgelinta iskuullada, sida sheekada dheeraatay ee loo yaqaano McCleary. Xalkeedu wuxuu ku qasbay sharci dejiyeyaasha iney balaayiin doolar dheeraad ah ku shubaan nidaamka iskuulka ee K-12, laakinse lacagtaasi badankeed waxey ku baxdaa mushaharka macallimiin aan tayo laheyn, mana isu dheelli-tirin midabka.

Nidaamka hadda jira waxa loo qaabeeyey inuu si ballaaran wax u baro dadka caddaanka ah oo heerka dhexe iyo halka sare ka jooga nolosha. Si wax loo looga beddelo, dadka kuwooda awoodda leh oo aan wajahin cadaadis sabab la xiriirta midabkooda waa iney wax hambeeyaan — sida iyagoo la wadaagaya hantidooda ururka waalidka iyo macallimiinta PTA oo kor u qaadaan, ama wax ka beddela barnaamijyada sida gaarka ah ugu adeega ardada caddaanka ah; nidaamka hadda jira waxa lagu doodi karaa inuu ardada midabka ah ku qasbay iney tobaneeyo sano “ka samraan” muuqaalkii asaasiga u ahaa waxbarasho caddaalad ku dhisan.

Waalidiinta caddaanka ah iyo hoggaamiyeyaasha waxey dibadda u soo baxeen bishii Juun si ay u taageeraan mudaaharaadyada Jiritaanka Nolosha Madowga (Black Lives Matter), iyagoo inta badan caruurtoodu la socoto, xambaarsan boorar gacanta lagu qoray. Laakinse “haddii dadku daacad ka yihiin ka horjeedka midab kala sooca,” ayey tiri Ann Ishimaru oo ah kalkaaliye macallin wax ka dhigta jaamacadda University of Washington qeybteeda waxbarashada (College of Education), “ma sameysan karaan boorar oo kaliya.” Ishimaru sidoo kale waa maamul la wadaage baaraha qeybta Family Leadership Design Collaborative, oo ah dadaal qaran oo dib diiradda loogu saarayo qoysaska ama faamillada aan mudnaanta ku laheyn sinnaanta midabka.

Kuwaa beegsanaya is beddelka ma doonayaan in ay dib ugu noqdaan “sidii wax ahaan jireen.” Waxey doonayaan xaalad cusub.

Dhaqsiyaha ku saleysan caqliyadda ee isebeddelka iskuulladu lagu sameeyey si loogu jawaabo coronavirus oo ay hoggaamineysay Heidi Schillinger, oo ah asaasihii iyo maamuladda Equity Matters, shirkad ka talo bixisa arrimaha sinnaanta midabka ee Seattle, waxey tiri inaad “fakarto”, ‘Oh, waa suuurto gal, iyo iney jirto rabitaan in si ka duwan sidii hore wax lagu sameeyo. Tani waan awoodnaa.”

Laakinse Sharonne Navas, oo ah agaasimaha guud ee isbaheysiga Equity in Education Coalition, oo xubin ka ah kooxda shaqo ee Washington una xilsaaran curinta qorshooyin dib loogu furayo iskuullada, waxey tiri kooxdu waxey lumisay fursad lagu heli karay wado hadallo weyn oo ku saabsan sinnaan la’aanta ka dhex jirta waxbarashada.

“Waxa aan ka baqanayo waxey tahay marka aannu ka soo laabanno tani weli waxanu u sii diri doonnaa caruurta [Madowga iyo kuwa dhiigga furan] nidaam iyo iskuullo u ula hadlaya sida, ‘Maxaad iiga baahan doontaan?’ halkii ay ahaan laheyd, ‘Sideebaan cunuggan uga soo saari karnaa qofka fiican?’ Waxan u maleynayaa taasi waa fikirka iyo nooca is-beddelka dhaqanka loo baahan yahay inay ka hirgalaan waxbarashada.”

Bilowga sinnaan la’aanta

Si waxbarashada run ahaantii looga dhigo mid loo siman yahay, khubaro badan waxey leeyihiin, kuwaasi wax soo dhisay kana faa’iideystay waa iney garowsadaan taariikhdeedii madoobeyd.

In dusha laga xoq-xoqo: Sannadihii 1850-dii, gobolladu waxey bilaabeen iney meel mariyaan sharuucda waxbarashada qasabka ah iyadoo ay jirtay dareen koraya oo ku saabsan shaqaaleynta caruurta, iyo sidoo kale mowjado cusub oo looga dhex abuurayey ilbaxnimo qeymo leh caruurta soo galeetiga ah. 10 sano ka dib, waxbarashadu waxey mar kale noqotay qalab is dhex gal loo adeegsado, siiba markii iskuullada lagu hoydo loo diyaariyey iney si xoog ah uga qaadaan caruurtii dadka asalka waddankan qoysaskoodii si afka Ingiriiska loogu tababaro — iyo in laga xayuubiyo luqaddoodii iyo dhaqankoodii.

Fac-ka-fac dadka Madow, waxbarashada dadweynaha waxey u aheyd mid sharci darro, iyo mid lagu kala soo soocan yahay. Ka dib go’aankii Maxkamadda Sare ee 1954 Brown vs. Board of Education uu mamnuucay kala soocidda, is-dhexgalku “wuxuu ku dhacay sida ay wax u rabeen  bulshada caddaanka ah,” ayey tiri Schillinger. Maanta, iskuullada weli waa kuwo si aada loogu kala qeybsan yahay midab iyo darajo dhaqaale.

Tani marka lagu daro waxey noqoneysaa ku dhowaad labo qarni oo dhaqammo caddaalad darro in la saxo u baahan, ayey tiri Navas.

“Waxanu ka fikireynaa arrintaasi iyo sababta Brown vs. Board of Education, darteed waxbarashadii ugu hagaagtay iyadoo taasi aan imika wax dhib ah ku aheyn ardayda midabka ah, kuwa Asalka, soo galeetiga, iyo qaxootiga,” ayey tiri Navas.

Taasi run ma aha, ayey tiri.

Haddaba, growshiyaha noocaasi sidee buu u eg yahay?

Waxey la macno ahaan kartaa yeelashada wada hadal qaran oo ku saabsan midab kala sooca nidaamsan — si in badan oo la mida waxyaabaha imika bilowday iney dhacaan xilli boolisku dilay George Floyd, Breonna Taylor iyo dad kale oo Madow ah. Ficil ahaan, ayey tiri Navas, macnaheedu wuxuu yahay in isbeddelku udub looga dhigo waxa ardada midabka leh ay rabaan iyo u baahan yihiin.

Maya “xabbado qallin ah”

In badan oo dadka wax naqdiya ah waxey leeyihiin barayaashu waxa loo baahan yahay iney joojiyaan raadinta wax ku xallinta xabbad qalin ah “silve bullet” iyo barnaamijyo ballan qaadaya iney dayactirayaan nidaamka waxbarasho. Dhibaatooyinka way u dhaafsiisan yihiin waxbarashada, si ka duwan sida bulshada u qaabeysan tahay.

La qabsiga ku jeeda sida lagu qiyaaso kala durugsanaanta, oo lagu lamaaniyey ku guul darreysiga in si buuxda loo maal-geliyo waxbarashada, wuxuu hor istaagay is beddel dhab ah, ayey tiri Trish Millines Dziko, oo hoggaamiye sare ka aheyd Microsoft oo maalgelisay hay’adda aan faa’iido doonka aheyn ee Technology Access Foundation (TAF) dhammaadkii 1990-yadii. TAF waxey ku bilaabatay sida barnaamij iskuulka-ka dib wuxuuna isu beddelay nooc ay isticmaalaan iskuullo faro ku tiris ah oo deegaanka ka mida, oo ay ku jiraan TAF@Saghalie ee Federal Way iyo wuxuu imanaya Iskuulka Dhexe Washington ee Seattle sannadkan

Dziko waxey tiri barayaashu way isku dayeen iney hagaajiyaan marba hal shay oo ka mida nidaamka, haddana “imika waxan leenahay nidaam ay ka buuxaan faashado iyo sharootooyinka Band-Aids, mana u shaqeyn karo qof kasta.…Waanu jecel nahay Band-Aids, waxan sidoo kale jecel nahay waxyaabaha sahlan ee dadka ka dhiga kuwa u muuqda iney wanaagsan yihiin.”

Xalka noocaasi ah waxa caadiyan u beegsadaan ardada midabka ah. Barnaamijyada loo gaar  yeelay iney sare u qaadaan kooxo arday gaar ah — sida waaxda cusub ee wiilasha Madow iyo kuwa da’ yarta ee Seattle Public Schools, oo loogu talo galay awoodeyntooda oo dhowaanna guddoomay ku dhowaad lacag $2 million oo taageero maal-qabeenno bixiyeen ah — waxa laga yaabaa iney tahay mid ku saleysan niyad wanaagsan, haddana waa wax tar. Laakinse ma ahaan karaan kuwo dib u hagaajin kara nidaamka.

“Waxey keenaan barnaamijyadaasi diiradda saara ardada Madow iyo kuwa dhiigga furan iyadoo howl galku yahay in lagu hagaajiyo ardayga iyagoon wax ka qaban qaab-dhismeedka,” ayey tiri Tracy Castro-Gill, oo ah agaasimaha guud ee Washington Ethnic Studies Now.

Waxa jira farqi u dhaxeeya inaad isku daydo “barnaamij aad kaga fogaaneyso” sinnaan la’aanta midabka iyo helid dhab ah oo sinnaanta midabka ah, sida qaar yiraahdaan.

Beddelidda Manhajka

Wax yar ka dib markii iskuulladii la xiray bishii Maarso, Erin Jones, oo ah la taliye dhinaca waxbarashada kana ka qeyb gashay olole aaney ku guuleysan oo ay ku dooneysay maareynta waxbarista guud sannadkii 2016, waxey u qabatay arday fasal Zoom oo ay dooneysay iney kaga hadlaan nidaamka mid-takoorka iyo waxbarashada. Waxa ka soo qeyb galay qiyaas 20 arday oo kala isir ah.

Jones waxey tiri in lagu guul darreysto barista arrinta ku saabsan midab-takoorka iyo cabburinta waxey dhibaato ku tahay ardada caddaanka si la mida ardada midabka ah. Mid ka mida casharradeedii, waxey ardada kaga codsatay iney daawadaan filin fiidiyow ah oo daaha ka rogay sababaha bulshada Madowga ah uu dhaqaalahoodu aad uga hooseeyo qoysaska caddaanka ah.

“Ardadu waxey ahaayeen kuwo aad u careysan iyagoon waxani hore ugu maqal fasal dhexdiisa,” ayey tiri. Tusaale ahaan, waxey aad uga caroodeen iney wax ka ogaadaan khadka gaduudan “redlining,” oo ah siyaasad dabada ay ka riixdo dowladda oo sabab u noqday in Afrikaan Ameerikaan badan loo diido guryo iyo dhulal ka iibsadaan xaafadaha ay deggan yihiin, horseedeyna kala qoqob muddooyin tobaneeyo sano dalka Mareykanka gudihiisa ah.

Jones waxey ku rajo weyn tahay waqtigan xaadirka ah inuu horseedi doono isbeddel. Waxey tiri, “Waa markii ugu horreysay nolosheyda aan fursad u helno in is beddelka deg-deg ah soo gaaro waxbarashada dadweynaha.”

Seattle dhexdeeda, qaar ka tirsan macallimiinta waxay yeelanayaan wada hadallo ku saabsan sida ka hadalka isirka udub dhexaad uga ahaan karo diyaarinta casharradooda.

Markii rabshadihii ka dhashay dilkii George Floyd ay ka dilaaceen halkan iyo gebi ahaanba dalka, Shraddha Shirude, oo ah macallin xisaabta ka dhigta iskuulka sare Garfield, waxey weydiisay ardadeeda: haddii booliska lacagta laga jaro, xaggee baa mudan in lacagtaasu ku baxdo? Aradadu waxey eegis ku sameeyeen miisaaniyadda magaalada waxeyna ku riyoodeen waxyaabo xal noqon kara.

Shirude waa agaasimaha xogheynta ee hay’adda aan manfaca raadin ee Washington Ethnic Studies Now, taasi oo hoggaamisa tababarro isla markaana maamusha bog ama baloog lagu magacaabo Woke Math, halkaasi oo ay ku qorto caddaaladda midabka ku saabsan iyo daraasadaha isirrada ee dhinaca waxbarashada. Si ardada loogu xiiso geliyo iyagoo meel fog fasalka kala soconaya xilliga iskuulladu xiran yihiin ma sahlana, waxana ka qeyb qaadanayey in yar. Laakinse mashruuca booliska wuxuu xerada ku soo celiyey kuwo badan.

“Farriintu way caddahay: Caruurtu waxey doonayaan inaan ka hadalno arrimaha jira”, ayey tiri. Iskuulladu waxey xoogga saaraan siyaasadaha ciqaabta ku dhisan, ayey tiri, sida ka maqnaashaha iskuulka ama ka soo daahiddooda. “Uma baahnin waxaasi haddii aannu caruurta ugu faa’iideyn karno” casharro muhiim ah noloshooda.

In loo kuurgalo habka wax lagu qiimeeyo, xittaa, waa muhiim: Barayaal badan oo la wareystay waxey yiraahdeen imtixaanaadka iyo nidaamyada sixitaanka wuxuu waxyeello ku noqon karaa ardada midabka ah si ka badan kuwa assaaggooda ee caddaanka ah. Halkii imtixaan laga qaadi lahaa, waxey ku taliyeen, in ardadu ku muujin karaan xirfaddooda howlo mashaariic.

Maxey tahay sababta tabarku u yahay fure

Dadka wax dhaliila waxey leeyihiin waaxyaha iyo kulliyadaha waxbarasho inta badan ardada uma oggolaadaan iney ka warramaan sida “dareenkooda shaqsiga” yahay si ay isugu qiyaasaan dabeecaddooda eexda ah iyo iney markaa ka dib isbeddel sameeyaan, ayey tiri Dziko. Gaar ahaan in shaqadaasi la qabto waa muhiim maxaa yeelay qiyaastii boqolkiiba 88% macallimiinta gobolka Washington waa caddaan, halka qiyaas ku dhowaad kala bar ardada dhigata iskuullada dadweynaha aaney aheyn.

Tababarrada sinnaanta badankoodu waxey leeyihiin sida ay tilmaamtay Niral Shah, oo ah macallin hore oo xisaabta ah haddana ka ah kalkaaliye barafasoor Kulliyadda Waxbarashada ee University of Washington, waxa ay ugu yeertay habka ku tallaalista: “Aan qaadanno cashar seddex saacadood ah oo ku saabsan eexda qarsoon, ka dibna dadku mar dambe ma noqonayaan kuwo eex ku dhaqma.”

Laakinse Shah, oo ah macallin waxbarashada culuunta iyo horumarinta bulshada, waxey leedahay daraasaduhu waxey muujinayaan iska wacyi gelin eexda ma aha kuwo ku filan in isbeddel ku yimaado. Waana halka wadnaha u ah edbin aan isu dheelli tirneyn iyo isku shaabadeynta ku saabsan kartida waxbarashada.

Shah waxey horumarisay hab la talin ah oo ka caawinaya macallimiinta iney arkaan eexda ku saleysan midabka oo durba maskaxdooda soo xusuusineysa tababarkii. La taliyuhu wuxuu marka hore goob joog ka ahaanayaa macallin fasal dhigaya, isagoo eegaya sida uu ula macaamilayo ardada. Inuu arko waxa ku xigaya inuu saxo.

“Haddaadan aaminsaneyn in caruurta Madow ama ardada soo geleetiga aaney qiime laheyn, barnaamijyada adduunka oo dhan arrintaa waxba kama beddeli karaan,” ayey tiri Jones, oo ah la taliyaha waxbarashada. 

Ka tanaasul awood

Si loo sameeyo isbeddel nidaamsan oo ballaaran, waaxyada iskuullada waxey u baahan yiniin iney wax maqlaan, awoodna siiyaan, dadkii ku soo dhex noolaa midab-takoor habeysan iyo cadaadis, ayey tiri Julia Warth, agaasimaha siyaasadda iyo cilmi baarista League of Education Voters, oo ah hey’ad aan faa’iido doon aheyn oo 19 sano ka jirtay Seattle kana soo shaqeysay si waxbarashadu u ahaan laheyd mid si weyn loogu siman yahay. Laakinse ugu yaraan ilaa hadda, ayey tiri, bulshooyinkaasi waa laga reebay wada-hadalka — xittaa hadda, oo ah xilli ay jirto fursad weyn oo wax lagu beddelo.

Jones waxey dib uga dhawaajisay fikrikii Warth. “Dadka ugu badan ee dhinac loo riixo laguma cusumo miiska,” ayey tiri. “Haddaba, waxyaabahaa si joogto ayey dhacaan, halkii ay ahaan lahaayeen kuwo la tashto.”

Warth waxey kaloo u maleyneysaa dhammaan dadka doorka ka ciyaara dhinaca waxbarashada — isbaheysiyada, ururrada waalidiinta, laamaha, sharci dejiyeyaasha — waxey u baahan yihiin iney si adag u eegaan doorkii ay soo ciyaareen. Qaar badan waxey soo jeediyeen talooyin macquul ah oo sinnaanta ku saabsan, haddana waxba isma beddelin.

Qoysaska dhaqaalaha iyo awoodda badan leh waxey ka shaqeeyaan sidii ay caruurtooda u siin lahaayeen fursad kasta, oo badanaa caqab ku noqota qoysaska aan awoodin — taasi oo la macno ah darbi isku wareejin ah. “Dadku waxey runtii bilaabayaan iney ka hortagaan ficilladaasi,”ayey tiri Ishimaru, oo tusaale usoo qaadatay Ururka waallidiinta iyo macallimiinta (PTA) ee Seattle oo bilaabay inuu la wadaago lacag ay ururiyeen iskuullada ayaanka daran.

Maamulaha iskuulaadka ee gobolka, Chris Reykdal, wuxuu sheegay inuu ku raacsan yahay isbedello badan khubardii lagu wareystay qoraalkan ku codsadeen: Wuxuu arkaa iney jirto baahi loo qabo kordhinta macallimiinta midabka ah iyo isbeddel lagu sameeyo manhajka iskuullada, ayuu yiri. Isbeddel ku saleysan badqab iyo sinnaan waxey ku dhici karaan si is-barbar socda, ayuu intaa raaciyey, wuxuuna yiri laamaha waxey durba sameynayaan rabitaannada noocaasi ah kolka ay go’aansadaan qofkee la siiyaa mudnaanta waxbarashada fool-ka-foolka ah xilliga xagaaga (fall). “Waxa cad in sannad nooc kale ah uu nagu soo socdo,” ayuu yiri. “Laakinse aannu wajahno, taasi waa fursaddii ugu horreysay oo dib-u-habeyn lagu sameyn lahaa.”

Qaar kale waxey leeyihiin nidaamka waxbarashada waa in lagu qiimeeyaa guusha ay gaaraan kuwaa uu cidlada uga dhaqaaqo. “Tani ma aha fakarka oranaya, ‘Waannu kaa qaadi doonaa si aan wax wanaagsan u sameeyo adna aad hoos ayaad u dhaceysaa.’ Taasi ma aha waxanu ka hadleyno. Waxanu ka hadleyno waa in nidaamka aannu ka dhigno mid u shaqeeya qof kasta,” ayey tiri Lynn Jennings, oo ah agaasime sare ka ah iskaashi qaran iyo gobol ee hey’adda The Education Trust.

Ishimaru iyo Shah, oo macallimiiin ka ah jaamacadda UW, waxey labaduba arkaan calaamado rajo leh iyo in arrimuhu isbeddelayaan.

Dadku waxey ku baraarugayaan dhumucda iyo dhibaatada nidaamka midab kala soocu leeyahay, markii ugu horreysayna waxey qoysaska iyo saaxiibada ka yeelanayaan wadal hadal dhab ah, ayey tiri Shah. Haddii wada hadalladaasu u xuub siiban karaan tallaabooyin gaar oo la qaado, “waxey noqonayaan waxyaalo dhaafsiisan boorar la sameysto oo lala aado mudaaharaadyo.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here