Geel Maxaas Indho-Kuul ka Kasaa!

0
1002

Mohamud Yussuf

Kacaankii 21ka Oktoobar sannad kasta dalka waxbuu ku soo dhin jiray. Mashaariic badan baa xariga laga jari jaray. Dhaqaalaha imika dalka soo gala mid u dhow laguma riyoon jirin. Golihii shacabka oo lagu dacaayadeyn jiray “shimibiroyahow heesa” weligood codkooda ma iibsan. Mushaharkoodana 100 doolar ma dhameyn. Soomaali sharaf bay ku nooleyd. Cid la yiraahdo “beesha caalamka” ismaynaan aqoon. Xabashi iyo Kenyaati warkooda iskaba daa. Waxaas baa la yiraahdaa, “kud ka guur oo qanjo u guur”. Soomaali waa shacab maanka looga xaday Qabyaalad oo koodii waxtar ahba farta loogu fiiqo laguna yiraahdo “waxba ha ka maqal waa reer hebel”. In mid qoladooda ah uu kursiga ugu fadhiyo ayaa deeqda si kasta oo ay hurdadiisa u badan tahay ama waxtarkiisana u yar yahay. Soomaaliya sidaas bay sanooyin badan ahaaneysaa maxaa yeelay dadkeeda ayaan aqoon la xisaabtan oo magaca qoysku kala weyn yahay midka Qaran. Oo munaafaqqu u yahay Mu’min. Daacadkuna u yahay doqon iyo daciif. Oo Qodxo in loo dhigo ka jecel in xiriir loo goglo. Dad sida Soomaalida ah caalamka  laguma hayo. Reer Xamar ayaa hore warkii dhameeyey oo yiri, “Geel maxaas indho-kuul ka kasaa?” Ilaahow dadkan caqliga u toosi!

Mohamud Yussuf

Tifaftiraha Bogga Runta News