FC Juba oo ku guuleysatey koobkii Toddobaadka Soomalida Seattle ee July 7 – 14, 2012

0
926

Tartan kubada cagta ah oo loogu magac darey Somali Week Seattle  ayaa waxoow si xiiso badan uga socdey garoomada Chief Sealth Stadium iyo Foster High Stadium kasoo eey ka qeyb galayeen 12 kooxood oo ka kala yimid magaaladan Seattle iyo Goboladda waaweyn ee dalka Mareykanka sida Minnesota, Denver, Utah, Oregon. Hadaba kooxahii ku loolamayey koobkan kubadda Cagta ah waxeey kala ahaayeen: Banadir, Iftin, Juba F. C, North Stars, Walaalaha, Utah, Horn Africa, BYS, Denver, Kent, Eden Prairie, Tawakal F. C.

 

Kooxahaan ayaa loo qeybshey 4 qeybood ayadoo eey Semi-Finalka isku soo hereen kooxaha; anadir vs North Stars iyo Iftin vs Juba F.C. Cayaarahaan oo ah kuwo aad loo xiiseeyo ayaa waxaa sanad kasto waqtiyadaan lagu qabtaa gobolkaan Washington ayadoo sanadkaan tartanka maamulkiisa hogaanka u haayeen rag aqyaar ah oo aad looga tixgaliyo magaalada Seattle kuwaasoon dhihi karno waxeey u daadihinayeen ciyaaraha si sharfan. Dadweyne badan ayaa saadaalinayay in kooxaha Iftin iyo Banaadir oo taageerayaal badan ku dhex leh Seattle eey finalaha usoo gudbi doonaan balse waxaa taas beeniyay kooxaha Northern Stars iyo F.C Juba oo ayagu dharbaaxo xun ku dhuftey labadii kooxood ee dadweynahu la jeclaayeen ineey u soo baxaan fiinalaha.

Hadaba cayaartii maanta ee Fiinalaha ayaa Kooxaha Juba F.C iyo North Stars waxa eey soo bandhigeen ciyaar aad loola dhacey ayadoo maanta eey aheyd maalin garoonka weyn ee Chief Sealth Stadium soo camireen dadweyne aad u tira badan oo kakala yimid daafaha magaalada Seattle iyo magaalooyiinka u dhow dhow.

 

Labadan kooxood ayaa waxeey isku dhaafi waayeen  barbar dhac ayadoo markii daqiiqado dheeri ah lagu darey kadib eey gool qurxan la yimaadeen kooxda FC Juba kaasoo eey kooxda Northern Stars ayagu si lama filaan ah iskaga dhaliyeen.

Kooxda F. C Juba oo u badan cayaartooy dhalinyar horeyna ugu guuleeystatey Championshipkii 2011 Seattle ayaa waxaa eey soo bandhigeen dadaal badan iyo cayaar wanaagsan ayagoona si xarago lehna mar labaad ku noqdey Championka Seattle 2012.

Gabagadii ayaa tababaraha Kooxda Juba F.C Maxamuud waxaa gacanta loo galshey koobkii eey kooxo badani ku haminayeen balse ku guuleeysteen kooxdiisu kaasoo eey gudoonsiiyeen Culumadda Masaajidka weyn ee Abubakar.