Duqowda Magaalooyinka Mareykanka oo Dowladdooda Ka Codsaday iney Furto Xawilaadda Soomaalida!

0
1013

SEATTLE (June 22, 2015) – Waxa magaaalada San Francisco baaq culus ka soo saaray Duqowda magaalooyinka dalka Mareykanka  kuwaasi oo madaxda  dowladda  Federalka ah ee Mareykanka ka codsaday iney xal u hesho arrinta murugsan ee xawilaadda taasi oo quudisa malaayiin dad ah oo ku nool dalka Soomaaliya iyo dalka geeska  Afrika. Waxa ay Mayor-ada codsadeen in muwaadiniita ku abtirsada Soomaali ee ka shaqeysta dalkan loo oggolaado iney ehelladooda  lacagaha u dirsadaan.

Bishii February, Bangiga Ganacsiga ee California ee  loo yaqaano the Merchants Bank of California waxa uu xiray dhamaan  xisaabihii Xawilaadaha Soomaalida ay lahaayeen kuwaasi ay ku adkaatay iney raacaan sharciga  lacag dirista ee  dalka  Mareykanka.  Tallaabadaa uu qaaday bangiga oo ah kii ugu dambeeyey waxa ay keentay iney nolosha  ku sii adkaatay kummanaan Soomaali ah oo  awalba la rafanayey quutal daruuriga.

Xeerka ay meel mariyeen Duqowda Magaalooyinka dalka  Mareykanka waxad ka  dheehan kartaa halkan Download Most Recent Classifieds.

, waxana hormuud ka  ahaa labada Mayor ee Seattle Mayor Ed Murray iyo Mayor Betsy Hodges ee Minneapolis. Minneapolis iyo Seattle waxa ay kala yihiin magaalada koowaad iyo labaad ee Soomaalida Mareykanka ku nool yihiin.

“Sida  ummadaha kale ee  ku nool dalka  Mareykanka, Somali-American families waxa ay rabaan iney dhaqaale ku tukaakuleeyaan dadkooda ay jecel yihiiin.” Ayuu yiri Ed Murray. “Qaxootigan oo nolol  wanaagsan ka helay dalka Mareykanka  waxa ay sameynayaan wax mid kasta oo innaga mida uu u sameyn lahaa qoyskiisa. Dowladda Federalka  Mareykanka  waxa  iney  waddo u hesho in dadkaasu dirsadaan lacagta  xawilaadda ah”

“Minneapolis waxa ay ku faataa  iney hoy u tahay dadka noocaa ah oo aad u tiro badan oo sidoo kale ah dad Soomaali oo nool oo kartina leh” ayey tiri Duqda Minneapolis, Betsy Hodges. “Iney awoodaan  iney lacag u dirsadaan dadka gudaha dalka Soomaaliya jooga waxa ay keeneysaa iney kuwa ay dhiigga  wadaagaan u suurto  gasho nolosha lagama maarmaanka  ah, waana inaannu taasi difaacnaa. Lacag  boorso lagu qaado xal ma aha. Waxan si adag u codsanayaa in Bangiyadu la shaqeeyaan hey’adaha lacagta  xawila  ee  Soomaaliyeed  si  dadka  shaqada  badan ee  deggan Minneapolis u awoodaan iney gacan siiyaan  qoysaskooda.”

In ka  badan labo million oo Soomaali ah ayey noloshoodu ku xiran tahay lacagaha ka yimaada  dibadda. Soomaaliya waxa soo gala qiyaas $1.3 billion oo xawilaad ah sannadkii taasi oo loo isticmaalo  cunto,  biyo, hoy, and waxbarasho. In la  xiro xisaabahaasi ama akoonadaasi waxa sii dedejiyey dowlad  la’aanta ka jirtay Soomaaliya taasi oo iyaduna sabab  u noqotay inaaney jirin Bangiyo Ganacsi.

“Soomaaliya  oo ah halka qof ka mida 3 qof uu cabi karo biyo la hubo caafimaadkooda, lacagta laga soo diro Mareykanka iyo dunida kale waxa  ay u dhigantaa dakhliga ugu weyn ee dalka soo gala,”  ayuu yiri Raymond C. Offenheiser, oo ah Madaxweynaha Oxfam America. “Lacagtani waxa  ay ka caawini doontaa Soomaalida iney ku iibsadaan  waxyaabaha asaasiga ah  oo ay noloshooda u baahan tahay. Dowladda Mareykanka waa iney dhug deg-deg ah u yeelataa Soomaalida  Mareykanka oo ah dad  howlkar ah oo la halgamaya  iney dadkooda ay jecel yihiin caawiyaan”

Waaxaha Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda  weli ma soo saarin hab ku caawinaya Bangiyada gudaha iney lacagahaasi tagaan  Soomaaliya, iyadoo isla markaana laga taxaddarayo nabadda  dalka Mareykanka. Bishii dhoweyd Duqa magaalada Seattle, Mayor Ed Murray waxa uu la kulmay Xoghayaha  Arrimaha Dibadda John Kerry waxana uu  ka  codsaday in ficil  laga  qaato arrinta murugsan  ee  Xawilaadda  Soomaalida.