Duqa Magaalada Murray iyo Golaha Degaanka Seattle waxey Doonayaan Mutadawaciin Cusub oo Noqda Komishin ku Howlan Arrimaha Buslahda!

0
923

Komishinku waxuu kala talinayaa Magaalada habka 

lagula shaqeynayo bulshada

SEATTLE (February 1, 2017) – Duqa Magaalada Edward Murray iyo Golaha Degaanka Seattle waxey raadinayaan xubno cusub oo ah Komishin ama guddi Ku Howlan Arrimaha Bulshada. Waxaa lagu abuuray Fulin Amarka 2016-06 iyado amarkaasu ahaa November tii la soo dhaafay, Komishinkaas waxuu Magaalada kala talin doonaa arrimaha siyaasadda, straateejiyadaha, iyo geedi socodka maalgelinta deeqha bulshada, si simana loogu horumariyo ka qaybgalka dadweynaha iyo ka qayb qaadashada arrimaha madaniga. “Magaalada Seattle waxey u baahan tahay in ay abuurto wadiiqooyin badan si ay isgu xidho dadka meesha ay ku wada nool yihiin,” ayuu yiri Duqa Magaalada Murray. “Kuwan aan wakiilada laheyn oo adeegyada bulsho loo qabtaa ay hooseyso waa in ay helaan fursad ay kaga qayb qaataan geedi socodka, go’aan qaadashada iyo qorshaha magaalada. Komishanka cusub waxuu hogaamin donaa dadaalka magaaladu ay ku abuureyso siyaasado iyo strateejiyado badan oo dadka degaanka oo dhan ay ka mid noqdaan. Haddii la doonayo Seattle in ay noqto meel dhamaan dadku u siman yihiin, waa in magaaaldu qaadato hogaaminta si ay codad badan miiska loo keeno, lana hubiyo in dadkaasu ay matalaan beelaha kala duwan si aynu ugu adeegno.” Komishanka 16-ka xubnood ayaa waxaa lagu abuuray fulin amar uu soo saaray Duqa Murray si ay talo u siiyaan magaalada mudnaanta, siyaasadaha, iyo strateejiyadaha la xiriira ka qayb-qaadashada arrimaha sinaanta bulshada, iyo ka qaybgalka dadweynaha geedi socodka go’aan qaadashada magaalada. Waxa kale oo ay ka talin doonaan habka deeqha bulshada ay magaaladu u bixiso iyagoo bixin doonaa warcelin ku saabsan horumarinta qorshaha ka qaybgalka bulshada ee waaxyaha Magaalada’. “Komishinka u Howlgala Arrimah Bulshada waxuu siinaya dadka deggan magaalada Seattle fursado ay ku qiimeeyaan sida ugu habboon ee looga qeyb qaadan karo siyaasadda magaalada,” ayuu yiri Tim Burgess oo ka mid Golah Degaanka Seattle. “Dawladda Hoose waxey wax tar yeelaneysaa marka aan ka qeybgalino dinacyada kala duwan ee leh waayo aragnimo, si simana mudnaan loo siiyo wakiil ka qeyb-qaata geedi socodka iyo ka qeybgalka go’aanda la gaarayo.” Guddiga wuxuu ka koobanaan doonaa 16 xubnood – toddoba waxaa soo magacaabi doona Golaha Degaanka (Golaha Degmada) toddobana waxaa magacaabaya Duqa Magaalada, mid ka mid ah magacaabistiisa waxey keyd u tahay dhalinyarada waaweyn oo ka imaanaya barnaamijka loo yaqaan ku lug yeelo “GET Engagement”. Labada xubnood ee ugu dambeysa waxa xulanaya guddiga durba marka la doorto. Dhammaan xubnaha waxa soo ansixinaya Golaha Deegaanka. Marka hore, Komiishinku waxuu ku kulmi doonaa bil kasta Xarunta Dhexe ee Dowlada Hoose. Komiishinku waxuu u adeegi doonaa iyada aan wax lacag ah ama magdhow la siineyn, waana in uu diyaar u yahay ka qeyb galka qiyaastii 3-6 saacadood howlaha Komiishinka bishiiba. Haddii aad xiisaynayso in la tixgeliyo codsigaaga, ka soo buuxi online ka Arbacada, 1da Maaris 5ta galabnimo. Waxaad Online ka ka heleysaa turjumid luuqadaha, Koreyaan, Soomaali, Isbaanish, Tagalog, Dhaqanka Chinese ka, iyo Vietnamese waxeyna diyaar noqon doonaan January 27. Haddii aadan ku soo gudbin karin codsiga online, la xiriir Seattle Waaxda Darisyada 206-684-0464 waxaa laguu soo diri doonaa arjiga, ama waxaa ka qaadan kartaa hal arji xafiiska – Seattle Department of Neighborhoods ,City Hall Seattle, 600 4th Ave, dabaqa 4aad, maalmaha shaqada inta u dhaxaysa 8 subaxnimo ilaa 5 galabimo. Haddii aad soo direysid waa in codsiga ay ka muuqataa shaabad boostada ka hor, Arbacada, 1da Maaris . Kuna soo hagaaji: Tom Van Bronkhorst, Seattle Waaxda Derisyada, PO Box 94649, Seattle, WA 98124-4649. Wixii macluumaad dheeraad ah ama su’aalo, la xiriir Tom Van Bronkhorst at (206) 233-3954 ama email NewDON@seattle.gov. Waxaad kaloo ka baraneysa waxyaabo badan oo ku saabsan Komiishinka ku howlan Arrimaha Bulshada soo booqo website. Magaalada Seattle waxaa ka go’an in ay hormariso kala duwanaanta gudiyada iyo komiishinada magaalada. Dumarka, dadka naafada ah, kuwa galmada jinsiga laga tirada badan yahay, dhalinyarada, waayeelka, dadka midabka leh, iyo soo galootiga waxaa lagu dhiirigelinayaa in ay dalbadaan.