Dukaanleyda Soomaaliyeed ee Seattle oo Halis ugu Jira Iney Xirmaan!

0
899

Suldan Sheikh (bidix) iyo Ahmed Mohamud waxa ay dhowaan ka hor hadleen kulan looga hadlayey dhibaatooyinka soo food saaray ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Seattle, Washington. Waxa ganacsatada lagu soo rogay sharciyo adag oo haddii sida ay yihiin loo qaato dukaamada hadda jira oo dhan ay xirmi doonaan. Qodobbada ku qoran sharciyadan cusub waxa kaliya oo sammeyn kara dukaammada waaweyn. Dukaamadan loo yaqaano Xalaal waxa ay u adeegaan dadkeena kuwa intooda badan ay dhib ku tahay sida looga adeegto suuqyada waaweyn luqadda oo ku yar darteed iyo dadka xalaal quutada ah oo iska ilaaliya iney cunaan xoolo aan lagu gowricin gacan Islaam.

Hey’ad ka mida hey’adaha u dooda xuquuqda aadamiga iyo sinnaanta dadka oo la yiraahdo One America ayaa imika arrintan faraha la soo gashay waxana ay dooneysaa iney si fiican ugu hiiliso ganacsatadan. Hay’addan oo ah mid aad looga yaqaan gobolka Washington waxa ay ku soo caan baxday markii 2011kii ay qaadatay kiis lagu xiray shirkaddii Barakaat iyo dukaan ay ku dhex tiilay, Maka Mini Market. Imika oo haddana dhib soo wajahay dukaamo fara badan oo gaaraya 70 kuna kala baahsan agagaarka Seattle, waxa ay hey’adda qaadi doontaa olole ay dadka kula kaashan doonto iney garab istaagaan dukaamadooda ay ka soo iibsadaan hilib xalaalkooda.

Dadka Soomaaliyeed iyo dukaanleyda waxa looga baahan yahay iney isku duubnaadaan si arrintan looga gudbo. America isku soo bax iyo hadal uun baa wax lagu qeybsadaa. Ciddii aamusta jidka ayaa looga tagaa. Arrintan waxa ay u baahnaan doontaa bulsho isku duuban oo isu heellan. Soomaalida arrinta isku duubnida iyo isu heellanaanta  waa lagu yaqaanaa, laasinse mararka qaar waxa ay ku liitaan inaaney waqti siinin wixii wax u taraya. Markan dadka xuuraansannay waxa inoo soo baxay in dhibka ugu weyn uu yahay iyadoo in yar ay shirarka yimaadaan iyadoo kuwa kale ay yiraahdaan intaas ayaa naga wakiil ah. Sidee bay xaq ku taqay in qof kula mida uu shaqadiisa ka soo tago isagoo u doodaya dan idiin dhaxeysa marka adiga aad howlahaada sii wadeneyso. Waxa hubanti ah in dhibku hal qof ama koox uusan ku ekaan doonin, sidaa darteed loo baahan yahay in halganka laga wada qeyb galo.

Sawirkan waxa ka muuqda Cabdi Gurbis (Koofilaha) oo arrinta dukaanleyda kala hadlaya Mia Gregerson oo ah mudane ka tirsan golaha siyaasiyiinta gobolka Washington isla markaana ah Mayorka ama Duqda magaalada SeaTac. Cabdiwali Cabdullaahi sawirka ayuu soo eegayaa iyadoo Sahra oo ah gabadha ugu dukaanka weyn Seattle ay dhex-dhexaadineyso hadalka. Maama Khadiija oo ah islaanta murgeysan ee dhabanka heysata waa dadka durba dhibku taabtay oo laga yaabo in dukaankeedu xirmo maalmo dhow. Gurmad la’aan dadkani kuma yaqaanniin. Arrintu shacabka  Soomaaliyeed ee ku dhaqan Seattle  ayey u taal iyo Masaajidda oo sadaqo aad u fara badan ay ka soo gasho dukaamada. Waa la arki doonaa waxa ay labaduba  u qabtaan walaalahood.

Runta waa Tan Kaliya ee ku Qancisa!