Dhammeystirka La Sugayo ee ka Harsan Howlaha Dhismaha, Buundada Galbeedka Seattle waxa Dib loo Furayaa Sebtember 12, 2022

    0
    410

    Photos and article credit: Seattle Department of Transportation 

    Seattle (June 9, 2022) – Waaxda Gaadiidka Seattle (SDOT) waxey maanta ku dhowaaqday in Buundada Galbeedka Seattle si tijaabo ah loo furi doono Julay/Agost/Sebtember.

    Hakadyada ay sababeen mudaaharaadyadii shaqo joojinta shaqaalaha shamiitada waxey saameyn ku yeesheen jadwalka mashruuca. Qandaraaslaha dhismaha ee SDOT u qaabilsanaa wuxuu markii hore qorsheeyey inuu bilaabo ku shubidda shamiitada bilowgii sannadkan, laakin ugu dambeyntii waxey noqotay inuu dib u dhaco ilaa bartamaha Abriil si ku shubidda dhismaha ugu bilaabo, taasi oo muhiim u ah adkeynta buundada. Ku dhawaaqiddii isbeddelka jadwalka maanta lagu dhawaaqay wuxuu ku saabsanaa mid u dhigma waqtigii dheeriga ah ay qaadatay iney shamiitadu timaado.

    Xilligii shaqo joojinta shaqaalaha shubka, SDOT waxey isu dheelli-tirtay socodka shaqada si loo yareeyo dib u dhacyada iyo in mashruucu ahaado mid hore ugu socdo siyaabo kale. Shaqaalaha marna ma joojin dayactirka iyo adkeynta buundada, waxeyna sii wadeen iney ka sii shaqeeyaan ku buuxinta daloolada epoxy iyo ku duubista karbon fiber xilligii shubka la sugayey.

    Dhismayaal shamiiteysan oo si gaar ah loo qaabeeyey waxa ay qeyb muhiim ah ka yihiin qorshaha si loo xoojiyo buundada. Shaqaaluhu waxey ku shubidda shamiitada buundada dhammeystireen May 26, 2022 waxeyna qaadaneysaa 28 maalmood in shamiitadu si buuxda u adkaato una noqoto mid si fiican u xooggan oo heyn karta 20-ka milyan bown ee culeyska la xiriira nidaamka adkeynta kaawooyinka ka dib. Shaqaalaha waxey imika ku gudo jiraan gelinta dhuumaha iyo in ka dib la dhex geliyo fiilooyin biro ah oo isku maran, laakinse waa in la sugaa inta shamiitadu adkaaneyso ka hor inta aan lagu xirin buundada xarkahaasi si mustaqbalka looga hortago dilaacyo.  

    Ilaa iyo markii ku shubidda shamiitada dhismaha la dhammeystiray, SDOT waxey la shaqeyneysay qandaraaslaha dhismaha si loo soo gebo-gabeeyo shaqada inta ka harsan. SDOT waxey sii wadi doontaa iney qandaraaslaha masuulyiddiisa kula xisaabtanto si waqtiga loogu talo galay howsha ugu dhamaato.

    Dayactirrada harsan in la dhammeystiro oo mashruuca ka mida waxey u baahan yihiin shaqo ka fiirsi iyo taxaddar leh. SDOT waxey soo saartay maanta jadwal aan la hubin iyadoo muujineysa hufnaan, waxey caddeysay in mashruuc muggan leh laga yaabo inuu la kulmo caqabado hor leh oon hadda muuqan oo ka baxsan awoodda Magaalada. SDOT waxey sii wadi doontaa iney ka warbixiso wixii ka soo kordha dhismaha iyo iney dadka ogeysiiso haddii isbeddel ku yimaado jadwalka.  

    Buundada waxa la xiray 2020 ka dib markii saraakiisha buundada indho-indheeya ku arkeen dilaacyo dhaqsi u badanaya dhismaha da’diisu tahay 40-ka sano ee Galbeedka Seattle ku xira inta kale ee magaalada ee ka xaggeysa Biyo Mareenka Duwamish. SDOT waxey dhammeystirtay dayac-tiro deg-deg ah 2020 si looga hortago dil-dilaacyo dheeraad ah iyo in dadka amaankooda la sugo. Sannadkii 2021, SDOT waxey si qaabeysan oo bilowday dayac-tirradii ugu dambeeyey si loo xoojiyo buundada oo si la hubona ugu dul-qaadato culeyska iyo baaxadda baabuurta maalin kasta dul mari doonta.

    Dayac-tirrada ugu dambeeya lagu sameynayo buundada waxa ka mida seddex howlood oo halbowle u ah dayactirka: ku mudid epoxy si dilaacyada loo buuxiyo, ku duubis karbon feybar si adkeysi siyaado ah loogu yeelo, iyo ku dhuujinta kaawooyin biro ah si la isugu hayo dhismaha shubka ah. Hababkaasi oo wada jira waxey dib u nooleyn doonaan dhamaan dhismaha guud, ka hotagi doonaan dilaacyo mustaqbalka, waxeyna gacan ka geysan doonaan in buundada ahaato mid bad-qabta tobaan sano oo socda.

    Inta lagu gudo jiro dhammaan howlaha dayactirka, waxey SDOT bulshada Galbeedka Seattle, South Park, iyo Georgetown siisay muhimadda koowaad iney ku lahaadaan qorsheynta iyo la xiriirka. Shaqaalaha waxey ka shaqeeyeen in dedejiyaan dayactirrada buundada Galbeedka Seattle, yareeyaan socodka baabuurta, iyo iney ka dhigaan waddooyinka xaafadaha Highland Park iyo Duwamish Valley kuwo ammaan ah, halkaasi oo lagu leexinayey baabuurtii dul mari jirtay buundada kuwaasi oo dhex mari jiray bulshada iyo agagaarka xarumaha ganacsi ee xaafadahaasi.

    Ka dib marka hagaajinta taagitaanka la dhammeystiro, shaqaaluhu waxey dhammeystiri doonaan wareeggii ugu dambeeyey ee ku mudidda ama ku durista epoxy dilaacyada iyo ku duubista karbon feybar. Waxey kaloo dhammeystiri doonaan shaqo kale si ay buundada ugu diyaariyaan dib ugu furista baabuurta. Shaqadani waxa ka mida beddelista tiirarka isku xira fidsanaanta, dib usoo nooleynta jidka iyadoo la daboolayo godadka shaqaalaha ka dhex shaqeyn jireen, beddelista calaamadaha dusha sare, beddelista dhegxaanta shubka ee bari ka ah waddada 35th Ave SW, in shamiiteyn lagu sameeyo waddada deg-degga ee Fauntleroy Expressway, iyo calaamadaha ku leexashooyinka oo la qaado iyo in la hagaajiyo nalalka baabuurta haga ee Galbeedka Seattle.