Cali Xaaji oo Shaqadiisii Waayey!

0
998

Isku shaandheyn lama  filaan ah oo  lagu sameeyey golaha wasiirada ee Puntland ayaa waxa shaqadiisa ku waayey Cali Xaaji Warsame oo ah Wasiirkii ugu caansanaa golaha ahaana gacanta midig ee Cabdiwali  Gaas. Cali waxa  intii dowladda dhisneyd  uu ahaa Wasiirka  Waxbarashada isagoo ahaa nin howl badan oo meelo badan oo adduunka ah howlo ugu tagay  si uu u tayeeyo waxbarashada gobolka. Lama garan karo waxa iska horkeenay Cali iyo Cabdiwali, laakinse  waxa hubanti ah in isbeddelku abuuri karo kalsooni darro iyo degganaasho la’aan.