Buundada Galbeedka Seattle oo Dib Loo Furay Ka Dib 2 1/2 Sano oo ay Xirneyd

    0
    446

    Xafladda waxa ka soo qeyb galay Duqa Magaalada Seattle Bruce Harrell, Senator Maria Cantwell, Congresswoman Pramila Jayapal, iyo Hamdi Mohamed, Xubin Guddiga Dekedaha Seattle. 

    Buundo Xooggan, Bad-qab ah oo usoo noqotay shabakadda gaadiidka Seattle.

    SEATTLE – Buundada Galbeedka Seattle ayaa maanta dib loo furay ka dib markii ay 2 1/2 sano u xirneyd shaqo dacyactir oo ay gacanta ku heysay waaxda gaadiidka Seattle Department of Transportation (SDOT). SDOT waxey habeenkii xalay ku howlaneyd qaadidda darbiyadii jid-gooyada ahaa ee la dhigay meelaha laga galo buundada Galbeedka Seattle iyo xaafadda SoDo, iyadoo u oggolaaneysa dadka gawaarida wata iyo kuwa raaca basaska iney ku soo laabtaan buundada.  

    SDOT waxey sidoo kale soo gebogabeysay xayiraadihii saarnaa jidka Spokane Street Swing Bridge ee (buundada hoose). Kaameradii nidaamka otomaatika ku habeysneyd, ee xoojineysay xayiraadahaasi, waxa la damiyey 9-kii fiidnimo ee xalay. 

    Masuuliyiinta la soo doortay iyo dad marti ah oo lagu casumay ayaa isugu yimid hadal loo jeedinayey saxaafadda maanta oo Jimce ah, taariikhdu aheyd 16-ka Sebtember, si ay mahad-naqooda ugu muujiyaan kumanaankii dadweyne ee adkeysiga iyo dulqaadka muujiyey ee ku nool gudaha iyo hareeraha Galbeedka Seattle. Fiidiyow kulankan la xiriira wuxuu diyaar ku yahay Seattle Channel.

    9 ka mida basaska Metro ee isaga kala goosha degmada King County aya dib ugu soo noqon doona marista Buundada Galbeedka Seattle maalinta Isniinta (Monday): basaskaasi oo ah 21/21X, 50, 55, 56, 57, 120, 125, iyo Khadka RapidRide C Line. Metro waxey fileysaa in isticmaalka buundada sare ay yareyn doonto waqtiga safarku qaato ayna hagaajin doonto ku tiirsanaanta dadka isaga kala goosha Galbeedka Seattle iyo bartamaha magaalada Seattle.

    Mulki Mohamed oo wareysaneysa Heather Marx oo ah Agaasimaha SDOT Downtown Mobility, iyo Ethan Bergerson oo SDOT u qaablisan xiriirka dadweynaha iyo warbaahinta. 

    Dayactirrada lagu sameeyey Buundada Galbeedka Seattle  waxa ka mida ku dhowaad 60 meyl oo xargo biro kaawo ah lagu taagay laguna adkeeyey buundada si loogu sameeyo laf-dhabar cusub. Mid kasta oo xargahaasi kaawada ah waxey cuskan yihiin tiir si gaar ah looga sameeyey dhagxaan shamiito ah oo isku xiraya awoodna u leh iney hayaan in ka badan 20 milyan pounds oo culeys ah. Nidaamka kaawooyinka cusub ee ku dhuuqsan buundada waxey dayactirrada buundada ula shaqeeyaan si isku xirnaan ah, waxana ka mida shabakad baaxad leh oo ka badan 100,000 fiit isku wareeg ah oo sagaxado carbon fiber la xoojiyey ah ee gudaha iyo korka darbiyada buundada looga duubay laguna buuxiyey in ka badan 240 gaaloon ee epoxy meelaha dilaacsan ee dhagxaanta ama darbiyada shamiitada ah.

    Hababkaani dayactir waxey buundada u diyaariyeen iney xajin karto culeyska baabuurta iyo isbeddelladii tobanaanka sano ee isbeddelka cimiladu ku keentay.https://www.youtube.com/watch?v=pV6MLdKNiQo Iyadoo dayactirradaasi dhameystirmeen, imika buundada si aad ah ayey uga xooggan tahay sidii ay ahaan jirtay waxeyna sii jiri doontaa tobaan sano oo soo socda.  

    Tijaabooyin dhowaan la sameeyey waxey muujiyeen in dayactirrada ay sidii loogu talo galay u shaqeynayaan buundadana ay aad u xamili karto kumanaanka gawaari ee dul maraan maalin kasta. Injineerada SDOT iyo dadka ku takhasusay buundada waxey sii wadi doonaan iney si dhow indhaha ugu hayaan buundada iyagoo isticmaalaya kaamerooyin, dareemayaal iyo in si joogto ah loogu sameeyo hubin.   

    Muddadii shaqada dayactirka socotay, shaqaalaha waxey ka dhex sameeyeen gudaha buundada goobo si joogto ah ugu oggolaanaya baarayaasha iney si sahlan u indho-indheeyaan dhismaha buundada. Shaqaalaha waxey sidoo kale ballaariyeen leymanka dhinacyada ee aada jihada galbeed si baarayaashu u awoodaan iney gudaha u galaan dhismaha si ay si joogto ah indhaha ugu hayaan iyagoon xirin leemanka baabuurtu marto. 

    Shaqada dayactirka waxa dheer, in SDOT uga faa’iideysatay xiritaanka si ay u dhammeystirto noocyada kale ee shaqo oo lagu hagaajinayo buundada. Shaqadani waxa ka mid ahaa in la beddelo isku xirayaashii gaboobay ee dhismaha, ku shubid shub cusub waddada Fauntleroy Expressway ee aadda galbeedka buundada, iyo in dib loogu shubo shamiito goobta galbeed ee laga soo galo buundada.