Booqashada Culumada Suudaan ee Soomaaliya!

0
954

Waxa  shalay booqasho ku tagay  dalka Soomaaliya wafdi culumo ah oo uu horkacayo Madaxa Hey’adda Culumada Sudan Sheekh Cissaam  Axmed al Bashiir. Waxa  wafdigaa  dalka  ku soo dhoweeyey Hey’adda Culumada Soomaaliyeed iyo Xarunta Hanuuninta iyo Isdhaafsiga Firkirka oo uu horkacayo Nuur Baaruud Gurxan. Labada wafdi kulan ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleen isdhaafsiga aaraa’da iyo  booqashooyinka iyadoo laga  filayo Culumada Suudaan iney amaahiyaan khibraddooda aqooneed culumada Soomaaliyeed.

Shiikha Culumada Suudaan Sheekh Cissaam waxa uu u hibeeyey Culumada Soomaaliya Maktabad ay ku dhan yihiin Kutub cilmi ah. Shiikhu waxa uu ka mid yahay culumada loo yaqaano wasadhiyah ama dhexdhexaadka ah haddii uusan aheyn midka hormuudkooda u ah. Booqashadan waxa ay ka jawaabeysay booqasho hore oo Majmaca Culumada Soomaaliya ku tageen dalkaasi bishi ina dhaaftay horraanteeda. Dadka wafdiga ku soo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde ee Soomaaliya waxa kaloo ka mid ahaa Cabdiraxmaan  Sahal oo ah Mudiirka  Xarunta Istusaaleynta Aaraa’da Saliimka ah oon isla markaana  aannu warbixintan ka  soo xigannay.