Barnaamijka Dhammaan Xiddigaha Emery oo Caruurta Baraya Arrimaha ku Saabsan 9-1-1

0
1307

Xaaladaha deg-degga way dhacaan mar kasta, iyo in la waco 9-1-1 waxa ay badbaadin kartaa nolol badan. Iyadoo la kaashanayo nashaadaad is dhex gal ku dhisan, barnaamijka cusub ee Dhammaan Xiddigaha Emery wuxuu ka caawini doonaa in caruurta [insert organizations] ku nool King County bartaan arrimaha ku saabsan iyo sida loo waco 9-1-1.

“Weligaa ma ogaan kartid marka aad baahan karto inaad wacdo 9-1-1. Imerjensiska ama xaaladaha degdegga ah waa dhacdooyin lama filaan ah, waana arrin la soo gudboonaan karta dhammaan dadka da’doodu kala duwan tahay oo dhan. Waana sababtaa aannu ugu baahan nahay inaannu hubinno in dhammaan dadka ku nool degmada King County gartaan sida loogu yeerto 9-1-1,” sidaa waxa yiri Kayreen Lum, Maamulaha Barnaamijka seddexaad III ee King County E-911.

Dad badan oo deggan degmada King County, gaar ahaan caruurta, kuma dareen fiicna wicitaanka 9-1-1, ama ma yaqaanaan sida loo waco 9-1-1. Iyadoo laga caawinayo caruurta sidii ay u baran lahaayeen sida, goorta, iyo goobta laga wacayo 9-1-1, Xafiiska Barnaamijka King County ee E-911 wuxuu bilaabay barnaamij cusub oo loogu magac daray (Emery All Stars) ama Dhammaan Xiddigaha Emery, kaasi oo magac ahaan u taagan Emery oo ah Emerjensi la soo koobay iyo “Shimbirka Penguin”, (Emergency Penguin)

Sannadkii 2015, Emery ama Emerjensiga Shimbirka Penguin wuxuu bilaabay sheekooyin-buugeed u gaar ah oo la yiraahdo, Emery and the Ice Carnival, oo loogu talo galay in wax lagu baro caruurta da’da iskuulka aan gaarin oo lagu barayo samee and ha sameynta ku saabsan marka la wacayo 9-1-1. Samarkan, barnaamijka Dhammaan Xiddigaha Emery wuxuu la xiriiri doonaa caruur cusub oo da’doodu u dhaxeyso 6 ilaa 10 jir, isagoo la macaamili doona afar hey’adood oo qeyb ahaan doona barnaamijyada Samarka. Hey’adahaasi oo kala ah, El Centro de la Raza, Southwest Youth & Family Services, Chinese Information and Service Center and Somali Youth & Family Club.

Caruurta waxa ay qaadan doonaan imtixaanno yar yar oo ku saabsan 9-1-1 ka hor ama ka dib fasalka si loo qiyaaso halka ay gaartay waxbarashadooda. Caruurta ugu darajada sarreysa waxa lagu soo bandhigi doonaa [insert media here]]. Laakinse cunug kasta ee ka mid ahaanaya fasalka waxa uu ka mid yahay Dhammaan Xiddigaha “Emery All Star”, sida ay tiri Lum, oo tilmaamaya in muhimmadda ugu weyn tahay in caruurtu la wadaagaan waxa ay barteen reerkooda iyo saaxiibbadooda. Fasalka waxa uu ugu deeqi doonaa aqoonta iyo qalabka ay noloshooda ku dabbaran karaan waxbarashadan ka dib.

Barnaamijka Emery ee Dhammaan Xiddigaha wuxuu bari doonaa caruurta muhimmadaha loogu yeero 9-1-1:

  1. Ogow sida: Inaad si dhab ah u fahamto sida loo isticmaalo telefoonkaaga marka la wacayo 9-1-1.
  2. Ogow goorta: Kaliya wac 9-1-1 marka ay jirto khatar dhab ah.
  3. Ogow goobta: Mar kasta ogow goobta saxda ah eed ku sugan tahay. Ma taqaanaa adreeska? “Caruurta oo hore loo baro goorta ay wacayaan 9-1-1, sida ay u wacayaan 9-1-1-, iyo waxyaabaha loo baahan yahay marka ay wacayaan 9-1-1 muhiim uma aha kaliya bed-qabkooda ama nabaddooda balse waxey sidoo kale faa’iido u leedahay qoysaskooda iyo bulshadooda,” ayey tiri Lum.
  4. “Barista caruurta sida ‘samee ama ha sameynta’ ku saabsan 9-1-1 iyadoo lala kaashanayo Emery, waxanu dooneynaa iney guriga aadaan lana wadaagaan waxa ay barteen waalidiintooda iyo xubnaha kale ee qoyska.”

Farriimo ku jeeda waalidiinta:

  • Telefoonnada duqoobay ee xumaaday waxa caadiyan loo siiyaa caruurta sida qalab ay ku ciyaaraan, xittaa iyadoo telefankaasi xumaaday oon shaqeyneynin laga wici karaa 9-1-1. Marka caruurtu si lama filaan ah u wacaan, wuxuu koolku ku xirmayaa khadka 9-1-1 kaasi oo booska ka riixaya wicitaannada kale ee muhiimka ah ama dhabta ah.
  • Kingcounty.gov/911 wuxuu siinayaa waalidka tabooyin iyo qalab kala duwan si iyaga iyo caruurtooda ugu carbismaan wicitaanka 9-1-1.
    • Buugga midabeysan ee u gaarka ah Emery. Baro “samee iyo ha sameynta” loo baahan yahay marka la wacayo 9-1-1. 
    • Heesta Emerjensiga Emery 9-1-1. La hees Emery si aad u barato sida goorta, iyo halka looga baahan yahay wicitaanka 9-1-1. 
    • Telefoonka Gacanta ee Emery 9-1-1. Daabaco boggan si aad ugu tabo-barato wicitaanka 9-1-1 marka aad isticmaaleyso telefoonka caaqilka ah “smartphone”! 

Ka warran haddaan u baahdo inaan waco 9-1-1?

  1. Ogow halka aad joogto. Ogaanshaha goobta ama halka aad ku sugan tahay marka xaal imerjensi ah aad ku sugan tahay waa arrin muhiim ah si aad u hesho gacan siin. Gaar ahaan marka aad ka soo waceyso telefankaaga gacanta. Haddii aad taqaano adreeskaaga, dhaqsi u sheeg. Haddaadan aqoon, ka eeg eeg hareerahaaga calaamooyin sida magaca jidka aad joogto ama meylka jidka lambarkiisu ee ku qoran waddada dhinaceeda.
  2. Sheeg dhibka ku heysta. Si fiican isugu day inaad is dejiso, si fasiix ah u hadal isla markaana u sheeg sababta aad ugu baahan tahay adeeg deg deg ah. U sheeg qofka teleefanka kaa qabtay nooca gacan siinta aad u baahan tahay sida: Booliis, dab-damis, ama kooxda ambalaasta.
  3. Bixi magacaaga iyo lambarka telefankaaga. Kooxda telefoonada 9-1-1 waxa ay u baahan doonaan magacaaga iyo numbarkaaga haddii ay dhacdo in khadku go’o, iyo sidoo kale kooxda kuu iman doonta oo kaala soo xiriiri doona haddii ay dhacdo iney u baahdaan.
  4. Khadka ku sii jir. Waxa laga yaabaa in lagu weydiiyo su’aalo is xig-xiga inta kooxda laguu soo diray weli ku soo gaarin. Raac tilmaamaha uu ku siinayo qofka kaala hadlaya xarunta 9-1-1 hana dhigin telefoonka inta laguu sheegayo dhigistiisa, iney jirto mooyee khatar aad u daran oo naftaada helis ku ah.

Xaqiiqooyin ku saabsan 9-1-1

  • 9-1-1 waxa ay u taagan tahay xaalad deg-deg ah oo kaliya. Wac xarunta shaqooyinka ee booliska ama qeybta dab-damiska ee magaalada ama hey’adaha kale ee ku habboon haddii aadan ku heysan deg-deg kugu kalifta 9-1-1.
  • Ka warran haddaan si qaldan usoo waco 9-1-1? Khadka ku sii jir una sheeg qofka telefoonka kaa qabtay iney kaa aheyd si lama filaan ah oo gacantu kaaga dhacday. Markaa sidaas sameyso, qofka telefoonka qabtay dib kuu soo wici maayo ama inuu boolis u soo diro gurigaaga uma baahan doono si laguu hubiyo.
  • 9-1-1 waxa ay u furan tahay cid kasta. Adeeg turjumaan ayaa ku diyaar ah oo ku baxa in ka badan 170 luqadood, waxana kooxda telefoonka qabata loo carbiyey sida loo isticmaalo TTY iyo sida loogu adeego dadka dhegaha la’, maqalku ku adag yahay, ama dhib ku qaba hadalka.

Ka Hortag Kadis u Wicidda 9-1-1

Maalin kasta degmada King County, in ka badan 5,000 oo jeer ayaa la soo wacaa 9-1-1. Nus kaliya wicitaannadaasi ayaa ah wicitaanno dhab ahaan ku saabsan xaalad emerjensi ah, inta kale ama waa si lama kuwo si filaan faruhu ugu dhaceen ama xaalado aan shuqul ku laheyn emerjensi.

Hal ka mida 5 wicitaan ee degmada King County waa kuwo kam ah oo ka dhasha telefoon ku heynta jeebka, boorsada ama ciyaalka oo loo daayo iney ku ciyaaraan telefoonka.

“Waxa muhiim ah in waalidku indhaha ku hayo caruurtooda marka ay ku ciyaarayaan telefoonnada”, sidaa waxa yiri Lum. “Dadka waaweyn waxa loo baahan yahay iney ka digtoonadaan siyaabaha si aksiden ah ama kam ah loogu wici karo 9-1-1 iyo iney sameeyaan wax kasta oo looga hortagi karo si aaney u dhicin qaladyo noocaasi.”

Dad badan oo deggan degmada King County waa ay isla yaabaan marka ay ogaadaan iney si qalad ah u soo waceen 9-1-1. Haddii ay sidan dhacdo, ayey tiri Lum, waa inaad khadka ku jirtaa una sheegtaa qofka telefoonka kaa qabtay ee 9-1-1 iney aheyd wicitaan aadan ula jeedin oo qalad kaaga dhacay. Sababta waxa ay tahay, ayey leedahay, qolooyinka telefoonka qabta oo aan u baahan doonin iney dib kuu soo wacaan haddii aad “telefoonka demiso”. Haddii ay jawaab waayaan iyaguna aaney xaqiijin karin in wicitaanku ahaa mid kam ama qalad ahaa, waxa ku waajib noqonaya iney u soo diraan booliis halka laga soo wacay si loo hubiyo xaalka qofka soo wacay.

Waqti badan iyo hanti badan ayaa xarumaha 9-1-1 iyo kooxda gurmadka uga lunta wicitaannada si qaldan u dhaca ee haddana la damiyo.

“Waa arrin aad u muhiim ugu ah qof kasta iyo da’ kasta oo qofku jiro inaad taqaano sababaha asaasiga ah ee loo soo waco 9-1-1,” ayey tiri Lum. “Ogaanshaha marka aad u baahan tahay inaad wacdo 9-1-1 iyo marka aadan u baahneyn waa arrin badbaadin karta naf.”

Waxa barnaamijkan idin suurto geliyey Xafiiska Barnaamijka ee King County E-911