App-ka Cusub ee BBC Somali Raadiye iyo Qoraal

0
1170

13 January 2017.  Wararka BBC Somali iyo barnaamijyada idaacadda waxaa hadda laga heli karaa App-ka bilaashka ah ee BBC Somali caalamka oo dhan. App-kan oo ay iska kaashadeen BBC World Service iyo AudioNow, waxaa laga geli karaa telefoon mobile, tablet ama aalad kale oo lagu xiro. Waxaa sidoo kale laga heli karaa iOS iyo Android (adiga oo sii maraya AudioNow Digital)

 

BBC Somali App-ka sida fudud aad u taaban kartid wuxuu ku siinayaa barnaamijyada idaacadda, iyo qiimaha caadiga ee teleefoonka oo aad ka wici kartid dalalka qaar. Wararka caalamka iyaga oo kooban oo qoraal ah oo bilaash ah ayaad sidoo kale ka heli kartaa.

 

App-ku wuxuu siinayaa dadka meel ay ka wici karaan idaacadda teleefoon qiimo caadi ah (Waa u bilaash qaar mobile-ka daqiiqadaha bilaashka ah wata) Adiga oo isticmaalaya tiknoolajiyadda (IVR) oo ah qaab ay ku heli karaan dadka app-ka, ka isticmaala dalalka UK, US, Nigeria, Kenya, South Africa, Sweden, Norway iyo Australia. Farriin muuqaal iyo cod ah ayaa la siinayaa qofka marka ugu horreysa, oo lagu xaqiijinayo in dhageystayaashu ka war hayaan haddii ay lacag ku kacayso wicitaanka.

 

Dhageystayaashu waxay kala doorbidi karaan in ay cod ahaan internet uga dhageystaan ama teleefoonka ay ku wacaan, iyado ay ka baxayso data internet-ka ee ugu yar ugu macquulsan.

 

BBC Somali App waxay kaa siineysaa qodobada wararka ugu waaweyn iyo warka oo kooban bbcsomali.com. Waxaa intaa sii dheer, adiga oo dhag siiya warka oo kooban waxay u qaadeysa qofka isticmaalaya bogga halkaasi oo ay ka akhrin karaan sheekooyinka oo buuxa.

 

Agaasimaha BBC World Service, Qaybta horumarinta shaqada, Simon Kendall, ayaa yiri: “BBC Caalamka la hadasha waxay aad u dooneysaa inay dhageystayaasha kula xiriirto aalad iyo goob walba oo saameynaya iyaga, sameynta App-ka BBC Somali wuxuu naga caawinayaa in aan gaarno bulshooyinka Soomaalida ee caalamka oo dhan ku nool.”   

 

Tifaftiraha BBC Somali, Caroline Karobia, ayaa tiri:  “BBC Somali waxay ku xooggan tahay raadiyaha, iyada oo toddobaadkii dhageystaan ilaa 3.4 milyan qof gudaha Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo dalal kale  –  iyadoo inta badan ay ka soo galaan mobile-ka  bbcsomali.com. Farsamada maqalka ee sida App-kan cusub ee BBC Somali App wuxuu u adeegayaa dhageystayaasha mobile-ka, oo uu ka caawinayo inay si toos ah u helaan macluumaad cod iyo qoraal ah.” 

 

BBC Somali waxay qayb ka tahay BBC World Service. 

AudioNow waa shirkad Mareykanka deggan, oo adeeg teleefoonka iyo apps u sameysa hey’adaha caalamiga ee warbaahinta. App-kan cusub wuxuu sii kordhinayaa adeeggii dhageysiga telefoonka ee ay AudioNow siineysay BBC, kaasi oo Mareykanka oo keliya ka jiray, waxaana bishiiba barnaamijyada raadiyaha BBC Mareykanka ka soo waca hal miyan oo qof.

 

*Dadka isticmaalaya waxaa lagula talinayaa inay ka hubiyaan shirkadooda waxa ay qarash ahaan ku kici karto wicitaanka telefoonka.

 

Dhammaad//

 

Xog dheeraad ah, Fadlan la xiriir:

BBC World Service Group Communications – Lala Najafova lala.najafova@bbc.co.uk

 

Ogeysiin tifaftirayaasha:

 

BBC World Service waxay ku soo gudbisaa wararka caalamka raadiye, TV iyo digital, iyada oo toddobaadkii ay dhageystaan ama daawadaan 246 milyan. Iyada oo qayb ka ah BBC World Service, BBC Learning English waxay bartaa luqadda Ingiriiska dhageystayaasha caalamka. Qaybaha BBC World Service waxay ku hawlgalaan 30 luqadood raadiye, TV iyo digital. BBC waxay toddobaadkii soo jiidataa dhageystayaal gaaraya 320 milyan oo la socda wararkeeda caalamka oo ay ku jiraan BBC World Service, BBC World News television channel iyo bbc.com/news