28ka Luuliyo waa Maalinta Cagaarshowga Caalamka

    0
    1750

    Ka socoto Mohammed Abdul-Kadir, MPH, MAIS oo ah Xiriiriyaha Cagaarshowga B Isbaheysiga Washington.

    Adeegyada Caafimaadka Caalamiga ah Seattle

    Kadib Maalinta Cagaarshowga Caalamka, Luuliyo 28ka, Hepatitis B Coalition of Washington (HBCW Isbaheysiga Cagaarshowga B ee Washington) waxay rabaan inay qaataan dhammaan fursadaha lagu wacyigelinayo wax ku saabsan wadada sababtay cagaarshowga B ee daran kala duwanaanta caafimaadka iyo ogeysiinta bulshada wax ku saabsan tallaabooyinka la qaaday ee lagu yareynayo kala duwanaanta Jasiirada Baasifiga Aasiyaanka (APIs) iyo bulshooyinka qaxootiga iyo socdaalka kale.

    Cagaarshowga B, kaas oo sababa Fayruska Cagaarshowga B (HBV), wuxuu caadi ka yahay qeybo badan ee caalamka, oo lagu qiyaasay 350 milyan oo dad la nool cudurka caalamka oo dhan laakin kaliya 10% ayaa og cudurkooda. Cagaarshowga daran ee B oo aan la daaweyn wuxuu hogaamin karaa kansarka beerka kaas oo ah mid ka mid ah kansarada ugu dilaasan. Markii la barbardhigo kansarada kale ee caadiga ah sida kansarka naasaha, kansarka mandhaciirka iyo kansarka kaadi haynta, kandarka beerka wuxuu leeyahay heerka badbaadada ugu xun. Inkastoo ay jiraan sababo badan ee kansarka beerka, cagaarshowga B, waxaa loo tixgeliyay kuwa ka midka ah xaqiiqaha halista ugu sareyso.

    Inkastoo cagaarshowga B oo looga hortagi karo tallaalka, ma sahlana in laga helaa tallaalka wadama badan oo soo korayo sabab la xiriirto qarashaad gaaban oo sareeyo xittaa markii la heli karo. Midaan, oo ku xiran is waafaqsanaan la’aan oo dhaqamada lagu baarayo qaxootiyada iyo muhaajirada oo cagaarshowga B xiliga imaanshahooda Mareykanka, waxay sababtay ka sameynta API iyo bulshooyinka muhaajirka iyo qaxootiga kale ee Mareykanka inay noqdaan si aan ku habooneyn inuu saameeyo cudurka. Xaqiiq ahaan, “inkastoo matalayo kaliya 5% ee bulshada guud ee Mareykanka, bulshooyinka API, waxay gaarayaan 50% ee 800,000-1.4 milyan ee la qiyaasay caabuqa cagaarshowga B ee Mareykanka”.  Waxaa intaas dheer, “HBV loo aaneynayo qiyaastii boqolkiiba 80% ee dhimasho sabab la xiriirto kansarka beerka ee bulshooyinka API”-taas oo ka dhigeyso sabab sadexaad ee u hogaamineyso dhimashooyinka kansarka ee dadka ka midka ah Aasiyaanka-Mareykanka.” Qaxootiyada kale iyo bulshooyinka muhaajirka sidaas uma dambeeyaan. Tusaale ahaan , “kuwa ka midka ah huhaajirka Afrikaanka ah iyo bulshooyinka qaxootiga ee ku nool Mareykanka, heerka baahsanaanta ee cagaarshowga B ee daran waxaa lagu qiyaasay inuu yahay 8-13%”.

    Intaa waxaa dheer la’aanta tijaabada iyo baaritaanka, xadidnaanta kale sida cilmi la’aanta ama fikrada qaldan ee cudurka, dhaqanka iyo kala duwanaanshaha luuqada, iyo heerka nidaamka caqabada sida la’aanta caymiska caafimaadka iyo raaxo la’aanta nidaamka caafimaadka galbeedka ayaa ku deeqay heerarka tijaabada hooseyso ee Cagaarshowga B ee ka midka ah bulshooyinka. Si markaas loo yareeyo kala duwanaanshaha, xadidnaantaas waxay u baahantahay in si ku haboon loo sheego. Cilmiga ku saabsan cudurka (labadaba ee bukaanada iyo bixiyayaasha) waxay u baahanyihiin in la ansixiyo, dadaalada sare loogu qaadayo baaritaanka iyo tijaabada waxay u baahantahay in la xoojiyaa, oo lagu xiraa baahiyada daryeelka ee la xoojinayo.

    Maxaa la sameeyay oo lagu yareynayo kala duwanaanshaha caafimaadka?

    Dadaalka lagula dagaalamo in lagu baabi’iyo cagaarshowga B ee daran waa balanqaad iyo dhiirogelin. Wargelinada ka imaanayo waaxda adeegyada Aadanaha iyo Caafimaadka (HHS) waxay tilmaamaanta in “hormarada hadeer ee sayniska, xeerka, xiriirka, iyo cilmiga farsamada warbixinta caafimaadka [HIT] waxay matashaa fursadaha lagu yareynayo heerarka cudurka cagaarshowga ee Mareykanka oo sare u qaado natiijooyinka caafimaadka ee dadka ay saameysay.” Qorshaha Tallaabada Cudurka Cagaarshowga Qaranka ayaa la bilaabay oo waa la fulliyay. Qorshaha Tallaabada wuxuu ku dhawaaqayaa hormarinta wax barida bixiyayaasha iyo bulshooyinka si loo yareeyo cudurka cagaarshowga ee la xiriiro kala duwanaanshaha caafimaadka, hormarinta baaritaanka, daryeelka, iyo daaweynta si looga hortaga cudurada beerka iyo kansarka, iyo balaarinta kormeerida.

    Wadanka oo dhan, diirad saarida caabuqa cagaarshowga B iyo kala duwanaanshaha caafimaadka way korodhay. Isbaheysiyada bulshada waybilaabaneysaa. Hay’adaha sida Hep B United, Hepatitis B Foundation iyo Association of Asian Pacific Community Health Organizations (AAPCHO), oo ay la jiraan taageerada Xafiiska HHS ee Caafimaadka Dadka laga tiro badanyahay (OMH), waxay bilaabeen ulalaha qaranka oo cusub ee lagu fullinayo Qorshaha Tallaabada Cudurka Cagaarshowga (VHAP), Isbaheysiga Ka soo horjeedo Cagaarshowga ee Dadka Asalka Afrikaanka ah (CHIPO) wa hay’ad kale ee “ka qeybgashaa oo si dheeraad ah wax u barto daryeelka caafimaadka, adeega, iyo bixiyayaasha kale ee ku saabsan muhiimada baaritaanka Cagaarshowga B, ka hortaga, iyo daaweynta waqtiyeysan” ee Qaxootiga Afrikaanka iyo bulshooyinka muhaajirka.”

    Aageena, Isbaheysiga Cagaarshowga B ee Washington (HBCW) wuxuu sii wadaa inuu u keeno wacyigelinta cagaarshowga B iyo waxbarashada bulshooyinka API iyo bulshooyinka kale ee ka yimid gobolada halista ku sareyso.  HBCW waxay sidoo kale la jaaltahay barnaamijka Ka hortaga Dhalmada cagaarshow B ee Gobolka Washington DOH ee diirada saaraa ka hortaga faafida fayruska cagaarshowga B ee hooyooyinka saameeyay ee ilmaha cusub. Tan iyo bilowgooda , “HBCW waxay ugu dartay ajendaha baaritaanka iyo tallaadada cagaarshowga B bulshooyinka Aasiyaanka iyo Jasiiradaha Baasifiga, u dooday xeerka cagaarshowga B iyo tallaalka, soo saartay xasaasiga dhaqanka, qoraalo badan ee wax lagu barayo bulshooyinka API iyo bulshooyinka kale wax ku saabsan Cagaarshowga B, qeybiyay warbixin ku saabsan Cagaarshowga B, sameeyay barnaamijka baaritaanka iyo tallaalka, oo sii waday in dib loo soo celiyo fariinta iyo xeeladaha.”

    Tan iyo 2011, ICHS waxay qiyaastay boos hormuud u ah hogaaminta isbaheysiga iyo illaa shaqada xiriiriyayaasha isbaheysiga iyo u doodaha caafimaadka iyo kooxda waxbarashada, waxay kordhisay adeegyadooda, oo dhaafsan xiriirkooda dhaqanka ee bulshooyinka API, ee qaxootiga kale iyo bulshooyinka muhaajirka.

    Marka, sida xasuusin Maalinta Cagaarshowga Caalamka, HBCW waxay jeclaan laheyd inay kaala doodo inaad ku dhaaftid aastaamahaaga ee dagaalka lagu yareynayo kala duwanaanshaha caafimaadka cagaarshowga B ee bulshooyinkeena. Waa dagaal lagu guuleysan karo!!

    Ka socoto Mohammed Abdul-Kadir, MPH, MAIS oo ah Xiriiriyaha Cagaarshowga B Isbaheysiga Washington.

    Adeegyada Caafimaadka Caalamiga ah Seattle